Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Cirka Waa Daruurinaaya .. Siyaasi Cabdi Shakuur Oo Cirbaha Laga Gashay Silsilad Lagu Ciqaabaayo

Sunday - December 17, 2017


Ciidamada NISA ayaa caawa xabsiga dhigay Siyaasiga caanka ah ee C/Raxmaan C/Shakuur Warsame kadib dagaal kooban oo gurigiisa ka dhacay.
Ciidamada oo aad u hubeysan ayaa gudaha u galay guriga siyaasiga laakiin waxaa ay iska cabin kala kulmeen ilaaladiisa, waxaana halkaas ku dhaawacmay siyaasiga lafahaantiisa. dabadeed10 Daqiiqo oo rasaas ah kadib ciidamada ayaa xabsiga dhigay C/Raxmaan C/Shakuur oo dhaawac fudud markaas ka muuqatay .
Xaalada ayaa haatan degan, waxaana joogsatay rasaastii halkaas ka dhaceysay inkastoo laga cabsi qabo in khasaaro kale uu jiro.
Sidoo kale ciidamadii NISA ee Siyaasigan la baxay ayaa si nabad ah goobta uga tagay kadib markii ay gaariga saarteen C/Raxmaan C.Shakuur.
Dhinaca kale Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xiisad xoogan ay haatan ka jirto magaalada Muqdisho gaar ahaan waxaa la soo sheegayaa in guriga Siyaasiga ay gaareen ciidamo cusub oo hubeysan.
Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa iney dhacaan dagaalo kale maadaama siyaasiga la xiray uu saameyn badan ku leeyahay beelaha Muqdisho qaarkood.
Sida la sheegaayo Ciidamada NISA ayaa fuliyay weerarka lagu xiray C/Raxmaan C/Shakuur, laakiin illa hadda ma cada masuulka bixiyey amarka lagu xiray siyaasiga.
Siyaasigan ayaa si weyn firficiini ku jirto uga soo horjeeda dowlada Soomaaliya gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre.