Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Dareen Iyo Cuqdad Duugneyd Oo Dilaacday .. Xaalada Mogdisho Oo Jar Ka Laalaada Iyo Beelo Heegan-Dirir Galay

Monday - December 18, 2017


Xaalado siyaasadeed ayaa maanta ka taagan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, saacado kaddib markii Ciidamada NISA ay xalay weerareen Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kadibna ay xireen, iyadoo intii howlgalkaas socday uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Tallaabada lagu xiray siyaasiga iyo weerarka habeen madow lagu qaaday gurigiisa ayaa durba ka dhashay fal celino kala duwan iyo abaabul siyaasadeed oo mar kaliya laga dareemay magaalada.

Inkastoo aanay wali dowladda Soomaaliya wax war ah ka soo saarin xariga Siyaasigan ka mid ahaa Musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha, hadana waxaa socda kulamo kala duwan oo dowladda dhexdeeda iyo kuwa ay leeyihiin siyaasiyiinta.

Wararka aanu ka heleyno Hotelka Saxafi ayaa sheegaya in xilligan uu kulan u socdo siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ku abtirsada Beesha Hawiye, waxaana gogoshan la sheegay inay dhigeen Xildhibaanada Beesha H/gidir oo ka carooday falkii xariga ahaa ee siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Kulankan oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa looga hadlayaa arrintii xalay dhacday, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro war saxaafadeed.

Sidoo kale kulan kale oo ay leeyihiin Odayaasha dhaqanka ee Beesha H/gidir ayaa ka socda Hotelka Diblomatic, waxaana kulankan uu qeyb ka yahay kulamada siyaasadeed ee ka dhashay dhacdadii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa saakay xiray waddooyin dhowr ah, iyadoo ciidamo la dhigay, waxaana xiritaanka waddooyinka lagu sababeeyay xaqiijinta ammaanka, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya dibad baxyo jiraan.

Dadka reer Muqdisho ayaa waxaa u taagan dhegaha, iyadoo xaalad walba isha lagu haayo, waxaana baraha bulshada hareeyay qoraalo lid isku ah oo looga hadlayo dhacdadii xalay lagu xiray siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.