Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Dawlada Oo ka Qaldantay Qaabkii Qabashada Cabdi Shakuur Iyo Garsoorka Maxkamada Gobolka Banaadir Oo 24 Saac U Qabatay In Cadeymo Loo Keeno Eedeymaha C/Shakuur

Tuesday - December 19, 2017


Waxaa goordhow soo gabagabowday dhageysiga dacwada ay Xeer ilaalinta ka gudbisay Siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo lagu heysto eedo la xiriir inuu meelo fagaaro ah ka dhaliilay Dowadda.

Sidoo kale,Xeer Ilaalinta ayaa ku soo eedeysay C/raxmaan dambiyo ay ka mid yihiin qiyaano qaran, inqilaab iyo kuwa kale, hase ahaatee Maxkamadda ayaa dalbatay in caddeeymo loo keeno eedeymahaas.

Maxkamada Gobolka Banaadir oo dhageysaneysay dacwada ayaa Xeer ilaalinta ka diiday mudo 5-maalmood ah oo ay qabstay in cadeymo ku horkeento Maxkamada.

Hase ahaatee Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa ka diiday dalabka Xeer ilaalinta, waxaana uu u qabtay in muddo 24 saac lagu keeno caddeymo.
C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa u doodayay qarreeno, kuwaasoo Maxkamadda ka sheegay in qaabkii loo maray xarigiisa ay aheyd mid sharci darro ah.
Sidoo kale Maxkamada ayaa dalbatay in damiin lagu sii daayo C/raxmaan C/shakuur balse waa uu ka biyo diiday arintaasi,wuxuuna dalbaday In loo cadeeyo waxa lagu heysto.