Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Ceebey Tacaal .. Wasiirka Amniga Maxamed Islow Oo Raali Galin Ka Baxshay Dhacdadi Iyo Falkii Qaawanaa Ee Lagula Kacay C/Shakuur

Thursday - December 21, 2017


Wasiirka Amniga Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo kasoo muuqday goob gogol ay ku kulmeen taageerayaasha markii la soo daayey siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur  ayaa la sheegay inu goobta ka hadlay isago cafis ka dalbaday odayaasha inti shirka isugu timid iyo gaar ahaan beesha Habar Gidir, oo u ka soo jeedo Cabdi Shakuur

Goldogob Times oo si dadban u heshay xogtaas ayaa ogaatay in wasiirka amniga uu raali galin culus ka bixiyay ku talagalkii xariga Cabdiraxman Cabdishakur Warsame oo dhawaan ay xiren laamaha amniga in kasto socon-weyday oo manta maxkamada Gobalka Banaadir ay go’aan ka gaartayb si deyntiisa

Wasiir Maxamed Abuukra Islow Ducaale ayaa odayaasha, waxgaradka, iyo siyaasiga Cabdiraxman Cabdishakur cafis ka dalbaday waxana uu shaaca ka qaaday in dib looga wada fariisan-doono ciidamadi ku soo daadatay guriga dhibanaha iyo askartii dhimatay balse marka hore ay ka raali-noqdaan maadaama isaga uu yahay wasiirka amniga soomalaiya.