Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Amiir Al-Waaled Bin Talal Mudo Doora Xiran Oo Markaan Dawlad Sacuudiga Lacag Madax Furasho Duldhigtay

Monday - December 25, 2017


Dowladda Sacuudiga ayaa u soo jeedisay ninka ugu taajirsan dalkaasi amiir al-Waleed bin Talal (62-jir) oo xabsi hotelka ugu jira in uu isku furto lacag aad u badan oo lagu sheegay in ay kor u dhaafeyso lix bilyan oo dollarka Mareykanka ah.

Amiir al-Waleed bin Talal iyo xubno kale oo kor u dhaafaya 200 oo ruux islamarkaana isugu jira ganacsato, amiirro iyo waliba siyaasiyiin xilal wasiirro soo qabtay ayaa waxaa lagu eedeeyay musuq-maasuq, waxaana ay xabsi ahaan ugu jiraan hotelka lagu magacaabo Ritz-Carlton hotell ee magaalada Riyadh.
Xubno ku dhow-dhow amiirka ayaa sheegay in uu diiday in uu madaxfurasho ahaan u bixiyo lacagtaasi sababo la xiriia hadii uu bixiyo in uu isku caddeynayo in uu dambiile yahay, balse uu doonayo in uu si kale ula macaamilo dowladda.

Xarigga amiirkan iyo xubnaha kale oo labada boqol kor u dhaafaya ayaa lagu sheegay mid lala xiriirinaayo is-muujiska amiirka da`da yar ee talada dalkaasi la wareegay  Mohammed bin Salman (32-jir).