Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

C/Raxmaan Cabdi Shakuur Oo Kala Diray Qareenadi UDoodaayey

Wednesday - December 27, 2017


Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa Saddexdii qareen ee u doodayey u sheegay inuu kala noqday wakiilnimadii, kadib warqad qoraal ah oo uu u diray Garsoorka.

Waxa qoraalkiisa C/ shakuur sheegay in aysan qareenadaasi matalin shaqana ku lahayen, isaga oo sharci darro ku tilmaamay dacwadda loo haysto oo ku saleysan siyaasad.

Sidoo kale C/Shakuur ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ku xadgudbay sharciga, qalad badanna uu ka galay, sida xariggiisa, weerarkii gurigiisa lagu qaaday iyo sidoo kale dadkii halkaasi ku dhintay.

Siyaasigan ayaa qoraalkiisa ku sheegay in markii ay dhammaato cadaadiska siyaasadeed uu xeer ilaaliyaha ku dacweyn doono wixii dhacay.