Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Gabar U Dhalatay Ruushka Muslimka Oo Looga Baqaayo Iney Tartanka Madaxtinimada Ay Habaas Ku Dhufato Geesiga Loo Habar Wacdo Ee Vladmir Butin

Monday - January 1, 2018


Dumarka Waxay ku roon-yihiin iney damac leeyihiin .. Gabadha la yiraahdo Ayna Gamzatova ayaa maalinti Jimcaha warqadaheedi musharaxnimada madaxweyne u gudbisay guddiga dhexe ee doorashada Ruushka, kuwaaso iyagana markey arkeen iney buuxisay shuruudihi tartanka dhinac kasta ayey gudigi ka aqbaleen.
Gabadha Ayan Gamazatova oo wax xisbi aan ka tirsaneyn ayaa si madax banaan isu sharaxday, kadib markay la timid saxixayaal tiro dhan 300.000 kun qof oo ku taagereysay tartaankaas madaxtinimada

Ayaan Gamazatov oo tartanka madaxtinimada Ruuska ka qayb galeysa18-ka bisha March 20018 ayaa ah gabar Qoraa ah, xirfad jornaalista leh, isla markaana u dhaxda Muftiga sare ee cilmiga hogaamiya dalka Dagestaan oo la yiraahdo Axmed Cabdi Ladiif .. Gabadhaas oo Rajo xag Alle ka qabta iney halis galiso Ninka haamaanka ka ah Rashiya Valadmir Butin,.
Gabadhaas Murashaxa ah oo muslimiinta Ruushka xushmad iyo abaal u haya ayaa codsanaya in Dar ilaahay qalbiga looga duceeyo si ay libin ugu soo xaadirto.