Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Maxkamada Rafcaanka Oo Burburisay Go'aankii Garsooraha Maxkamada Gobolka Iyo Odayaasha Habargidir Oo Arintaa Kar Iyo Kuleyl Ku Hayso

Wednesday - January 3, 2018


Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa burisay go’aankii uu garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir uu ka gaaray dacwaddii loo haystay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahayd inaan wax racfaan ah laga qaadan karin go’aankii maxkamaddaasi oo ahaa inaanu wax dambi ah lahayn Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Maxkamadda racfaanka oo maanta u fariisatay dacwadda loo haysto siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa go’aan ku gaartay in xeer ilaalinta qaranka loo fasaxo baaritaanka ay ku hayso kiiskiisa. Sidoo kale maxakamadda racfaanku waxay safarada dibada ka mamnuucaday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur inta uu socdo baaritaanka dacwadda loo haysto.

Maxkamada ayaa sido kale Go'aamisay in Shan kamid looyarada shaqada laga joojiyo muddo labo bilood ah iyo inay bixiyaan lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2000. Sedexda qareen ee kale iyana waxa lagu xukumay inay bixiyaan ganaax lacageed oo shilin Soomaali ah oo u dhigma $2000.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo qareeno u doodaya midna ma soo xaadirin fadhigii maxakamadda oo aan sidoo kale loo ogoleyn warbaahinta.

Dhinaca kale Xog hoose ayaa sheegeysa in Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Habar Gidir ay rajo xumo ka muujinayaan in Madaxda dalka ay ku qanciyaan in la laabo guud ahaan kiiska loo heysto Siyaasiga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur, taaso keentay in kulamo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ay Odayaasha Beesha Habar Gidir ku sheegeen in Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ay heystaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayna adag tahay in kiiska si hoose wax looga qabto.

Kulanka ka dib waxaa la isku raacay in loo yeero Masuuliyiin hore xilal u soo qabtay, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kale oo Beesha ah si wadajir loogu midoobo arintan.