Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Qaramada Midoobay ( UN) Oo Kulan Deg Deg Ah Ka Yeelaneysa Faragalinta Imaaraadka Ee Somaliya

Thursday - January 4, 2018

Kooxda madax banaan ee qaramada midoobay u qaabilsan dabagalka cunaqabeenta dhanka hubka ee Saaran soomaaliya ayaa warbixn ay soo saareen wax ay usoo jeedinyeen golaha amaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhaxeeysa in ay isugu yimaadaaan kulan deg deg ah oo ku saabsan waxa ay ku shageen fargalinta qaawan ee imaaraadku uu ku hayo soomaaliya.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in imaaraadku faragalinta uu ku hayo soomaaliya ay karkaarada jabsatay, waxaana imaaraadka lagu eedeeyay inuu qarashaadka xoogan ku bixiyo siyaasadda gudaha ee soomaaliya si uu sameeyn ugu yeesho, uuna sidoo kale xariir xoogan la leeyahay siyaasin horay dalka xilal uga soo qabtay iyo kuwo hadda xilal hayo.

Hay’addan ayaa sidoo kale xustay in Imaaraadka usoo tafa xeeytay sidii uu uburburn lahaa dowladda hadda ka jirta Soomaaliya iyada oo warbixinta lagu sheegay in ay arintan halis ku tahay jiritaanka iyo waliba dhaganaanshaha siyaasadeed iyo tan amni ee Soomaaliya.

Faragalintan Imaaraadka lagu eedeeyay ayaa waxa uu si cad ugu hor imaanayaa qodobadii lagu dhisay Ururka Jimciyadda Qurmaha ka dhaxeeysa sida warbixinta lagu sheegay.

Waxayna Guddigaan ay Golaha amaanka ugu baaqayn in ay si deg deg ah kulan uga yeeshaan kana soo saaraan go’aankooda ku aadan dhibaatada ka dhalatay faragilinta Imaaraadka ee Siyaasadda Soomaaliya