Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Takhaatiirta Dhimirka Oo Aaminsan In M/weyneha USA U Saaran Yahay Jidka Weyn Ee Waalida Dhar-dhigashada Iyo Trump Oo Is-Moodsiinaaya

Saturday - January 6, 2018


Soo saarista buugga cusub ee laga qoray Trump ayaa mar kale banaanka keenay dood horey u socotay oo ku saabsanayd xaaladda caafimaadka maskaxda ee Donald Trump.

Dooddan waxa ay socotay xitaa ka hor intii uusan xafiiska la wareegin, balse hadda waxa ay gaartay halkii ugu saraysay, iyada oo la hadal hayo in da’diisa awgeed ay hoos usii dhacayso awoodda maskaxdiisa.
Buugga uu qoray Michael Wolff ayaa lagu sheegay in Trump uu muujinayo astaamo kasii daraya oo ku saabsan in uusan maskax ahaan fiyoobeen.

Buugaag kale oo baddan oo laga qoray caafimaadka maskaxda Trump waxaa ka mid ah The Dangerous Case of Donald Trump oo uu qoray Bandy X Lee; Twilight of American Sanity oo uu qoray Allen Frances iyo Fantasyland oo uu qoray Kurt Andersen.
Dr Lee oo ah dhaqtar xagga dhimirka ku taqasusay oo ka hawlgala jaamacadda Yale ayaa koox xildhibaano dimoqoraadi ah u sheegay in Trump uu waali maryaha dhigan-doono.

Waa arrin uu shaqadiisa ku weyn karo haddii la xaqiijiyo in uu waalanyahay, sababtana waxa ay tahay in qodobka 25 aad ee dastuurka Maraykanka uu dhigayo in haddii uu madaxweynaha waasho madaxweyne ku xigeenka uu la wareegayo xilka.

Waxaana mooshin ka geyn kara madaxweyne ku xigeenka iyo aqlabiyadda golaha wasiiradda, taas oo hadda aysan muuqanin suurto-galnimadeeda, balse codadka ka dhanka ah Trump ayaa aad usoo kordhaya.
Madaxweynayaal hore ayaa waxaa haleelay xaalado caafimaad, waxaana ka mid ah madaxweyne Abraham Lincoln, iyo madaxweyne Ronald Reagan oo la sheegay in uu wareeray, islamarkaasna uusan kala garan-jirin halka uu markaas ku suganyahay mararka qaarkood . Shan sano kadib markii uu xafiiska ka tagay ayaa Reagan laga heley xanuunka dhimirka oo loo yaqaano Alzheimer ama hilmaamka.
Waxaase la sheegay in marka Trump uu is-moodsiinayo waxyaabaha qaar, islamarkaasna ku hanjabayo in uu amro weerar hubka Nuyuukleerka ah in dhaqaatiirta loo ogolaado in ay samayn karaan qiimeyn guud iyaga oo aanan isaga baarin.
Waxaaba jira sharci hadda laga shaqaynayo oo suurtogalinaya in la qiimayn karo xaaladda caafimaad ee madaxweynaha.

Dadka xanuunkan qaba astaamaha lagu arko waxaa la mid ah in ay aad isu faaniyaan, in ay u maleeyaan in ay dadka kale ka sareeyaan, waxa ay doonayaan in aad loo jeclaado, ama iyaga loogu mashquulo, marka la eedeeyana eedda ma qaadan karaan.
Dadka ayaa hadda u wareegay in ay Trump ku sheegaan in uu qabo xanuun ah in uusan wax kala garan karin ama uusan sabab maangal ah u yeeli karin arrimaha soo wajaha.

Todobaadka dambe, madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa in uu maro baaritaankii ugu horeeyay oo caafimaad oo xagga maskaxda ah tan iyo intii uu xilk