Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Warkii Ugu Dambeeyey Iyo is Xayd-Xaydka Dagaalka Tukaraq Halkey Gaartay

Wednesday - January 10, 2018


Wararka naga soo gaaraya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi wali ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa maamulada Somaliland iyo Puntland.
Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in maamulada Somaliland iyo Puntland ay xalay Ciidamo badan geeyeen degaanka Tukaraq iyo degaanada hoos yimaada.

Ciidamada Somaliland ayaa wali gacanta ku haaya degaanka Tukaraq iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada, waxaana Puntland ay doonaysaa in ay gacanteeda kusoo celiso degaankaasi oo fariisin u ahaa ciidamada Puntland.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas)  ayaa sheegay 8-dii bishan Ciidamo laga soo abaabulay magaalada Hargeysa in ay duulaan ku soo qaadeen degaanka Tukaraq oo ka tirsan Gobolka Sool, wuxuuna sheegay dagaalka inuu ku soo aaday xilli booqasho uu Puntland ku joogo Madaxweynaha Soomaaliya.
Wuxuu sheegay Madaxweyne (Gaas) in Puntland iyo shacabkeeda ay ku filan yihiin difaaca dhulkooda, wuxuuna shacabka ku sugan gudaha iyo dibadda ee Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda.
Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in Puntland ay dhowr jeer kusoo qaaday Weeraro daandaansi ah oo ay door bideyso iney iska celiso

Wariyeyaasha gobolka Sool ka hawl gala ayaa soo sheegaya in inta badan dadkii ku noolaa degaanada ay isku horfadhiyaan Ciidamada Somaliland iyo Puntland in ay intoodi badneyd barakaceen.