Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Haweyney Sixiroola Ah Oo Uur U Yeeshay Haween Badan Oo La Xiray

Thursday - January 18, 2018


Dalka Guinea waxaa ka dhacday arin dad badan layaab ku noqotay kadib markii haweeney quraafaadka ku shaqeesata ay Uur been abuur ah u yeeshay Boqolaal dumar ah ay ka qaadatay lacag.

Haweenaydan oo lagu magacaabo N’na Fanta Camara ayaa haweenka u sheegtay in ay heyso daawo dhireed hadii ay isticmaalaan ay uur yeelanayaan, waxa ayna haweeney walbo ka qaadeysay lacag dhan 33 dollar oo ah lacag badan marka loo eegdo dalkaasi.

Haweenka rabay in ay Uur yeeshaan hadana dhalaan ayaa la siiyay daawo dhireed calooshooda ka dhigeysa sida Naag Uur leh, waxa ay sidoo kale haweenkan isku arkeyn astaanta walaca sida mataga oo kale.
Arinta layaabka leh fashilkan keentay ayaa ah in haweynkan aysan dhalin wax ka badan 12-bilood sidoodana wali Uurka been abuurka ah u leeyihiin, waxaana markii caloosha haweenkaasi la baaray la ogaaday in aysan ku jirin wax ilmo ah.

Ciidamada booliiska dalka Guinea ayaa xabsiga dhigay haweeneyda quraafaadka ka dambeysay ee N’na Fanta Camara, kadib markii ay dacweeyeen dadkii ay lacagta uga qaadatay Uurka been abuurka ah.

Boqolaal haween ah oo qaaday Uurka been abuurka ah ayaa maalin ka hor banaan bax ka dhigay afaafka hore ee saldhiga ay ku xiran tahay N’na Fanta Camara, waxa ayna booliiska ka dalbadeen haweenkan in Maxkamad la horgeeyo.

Haweeneydan oo ku eedeesan in ay dad badan noloshooda halis galisay ayaa taasi iska beenisay, waxa ayna sheegtay in dadkan ka caawisay sidii ay Uur u qaadi lahaayeen caruurna u dhali lahaayeen.

Dalalka Afrika qaarkood waxaa ka jira dad ku dheereeya quraafaadka lacag badana ka sameeya, waxaana dhibaato ka dhalataa arimahan oo kale sida ay sheegeen dhaqaatiir baaritaano sameeyay.