Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Mucaaradkii Madaxweyne Muuse Bixi Oo Is Maroojiyey .. Mustafa Martin Oo Salaatul Sahwi Galiyey Shacabkii Somaliland Kuna Dhawaaqay Maamul Ka Madax-banaan S/land

Monday - January 29, 2018


Maamul Ka soo horjeeda maamulka Somaliland ayaa looga dhawaaqay dalka dibadiisa, waxaana la sheegay in Ujeedada ka dambeysa ku dhawaaqida maamulkaan ayaa sabab looga dhigay cadaalad darrada ka dhalatay doorashadii dhawaan Soomaaliland ka dhacday ee uu ku guulaystay Muuse Biix, taasoo loo arkay inay ahayd doorasho uu maroorsaday Muuse Biixi, lana baxay Jeegaan land.

Dadka maamulkaan dhisay oo isugu jira qeybaha kala duwan dadyowga kasoo jeeda beelaha Soomaaliland, ayaa waxay ku sheegen Muuse Biixi inaysan u aqoonsanayn madaxweyne, balse ay aqoonsan yihiin nin Jabhad ah oo xoog ku qabsaday madaxtinimada Somaliland.

Sida u sheegay Mustafe Maartin oo maamulkaan cusub u noqday madaxweyne, ayaa sheegay in Maamulkaan cusub la gaarsiin-doonaa gobolada Soomaaliland, wuxuuna intaas ku daray in maamulkaan uu ku yimid baahi loo qabo in la helo, cadaalad, midnimo,walaaltinimo,Sinnaan, iskaashi iyo badbaado qaran.
Mustafa Martin ayaa hadalkiisi ku soo koobay: in Somaliland ka dhacay arrin aad iyo aad u xun oo ah xukun milatary oo la magac baxay Jeegaanta. taasina waxay horseeday inay dadkii Somaliland kala qeyb sameen oo ka niyad jabeen hamigii ay lahaayeen,” ayuu yidhi Mustafe Maartiin.