Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Xagee Ku Dambeeyey Kiiskii Dilka Ee Taliyihi Saldhiga Galdogob Korneyl Cabdi-Xamid Warsame

Tuesday - January 30, 2018

Wararka naga soo gaaraya magalada Galdogob ayaa sheegaya in ay hakadeen wada hadalo ay shalay yeesheen odayaasha beesha Tanada/Leelkase iyo Majeerteen, kuwaas oo saldhigoodu ahaa in laga wada xaajoodo xaalada toogashadi loo geystay Korneyl Cabdi-Xamid oo ahaa taliyihi saldhiga Magalada Galdogob.
Dilka markii uu dhacay lana ogaaday shakhsiyaadka falkaas geystay kadib labadda beelood oo ka kala soo jeeda marxuumka la dilay iyo kuwa falka geeystay eheladooda, ayaa laba goor gogol isugu yimid si arinta looga xaajoodo, laakiin illa iyo hadda wali wax xal ah lagama gaarin, hasa-yeeshe wada-hadal dambe oo dhaca gogol xaarkiisa ayaa lagu hawlan-yahay, oo ugu dambeysta waxaa la rajeynaya in wax walba wanaag ku dhamaadaan
Sababta ilaa hadda arintaan u cakirantahay ayaa sabab looga dhigay in beesha Tanade-leelkase ay ka dalbatay dhigooda in afarta nin ee falka geysatay gacanta loo soo galiyo, halka odayaasha beesha Majerteen ay ku andacoodeen "in walaal Cabdi Xamid Dhintay, arintana ay cududaar ka bixinayaan una diyaar yihiin in si walba loogu macaamiloodo ama dhaqan ahaan ama diin ahaan ama xeer ahaan, ama xukun wixii lagu kala qadanaayo si kastaba ha noqote u qanciyaan beesha Leelkase, labada reerna yihiin Dad walaala ah, oo waxaa ka dhaxeya dhaqan iyo Xeer soo jireen ah, laakiin kiiskaan oo kale ayey yiraahdeen horay ayu degaanka uga dhacay oo beesha Tanade aysan wax ka qaban Ragi fal dilka geystay soo dhiibistooda, balse dhiibis iska daaye xita kiiskiiba cirka loo laalay"

Beesha Tanade-leelkase ayaa dhinacooda ku andacooday in kiiska dilka Kas iyo Kama'na ay kala duwan-yihiin, isla markaana ninka la dilay u ahaa sarkaal sare oo madax ah, oo arinta dilka ay ku timid shirqool la maleegay, sidaa daraadeedna u kiiska ka duwan-yahay laba qof oo goob ku murmay kadibna is dilay .. iyo qolada majeerteen oo ku jawaabtay: in falka noocaa ah hubinteeda ayey leedahay, oo hadey jirto sidi ehelada marxuumka rabaan loo qaabilaayo.

Cala Ay Xaal Gar culus baa geedka taal, wax walbana saldhig bey leeyihiin, wax walbana waa dhacaan Ragna arintaasoo kale waa ka taliya, sidaa daraadeed xaajadaan iney xaq noqoto waxaa u xilsaaraan odayaal dhaqameed macrifo u leh cilmiga dhiiga meesha ka dhacay oo yaqaan sida loogu xeer-tamo.

Sidaa awgeed waxaa la is faraya in wada hadalka socda aan la galin majara-habaabin iyo is qodqod iyo siyaasad Tabliiq, lagana digtoonaado rogaal celin iyo iney halkii hore ka sii kharaaraarato iyo ku dhaqaajinta wax aan laga war hayen ciribtooda dambe .. Ha la ixtiraamo guurtida hawsha ku dhex jirta, hana la iska ilaaliyo dhiilo aan loo baahneyn iyo abaabul Col Kurayo ah oo gurguuranaya, yaan batrool lagu afuufin beelaha ay ka dhaxeyso isir qabil, Qaraabo, dhaqan iyo ehelnimada oo Bisinka ha la isku meeriyo si ay balaayada meereysa noga beyrto.