Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Gabagabadi iyo Go'aanadi Shirki Madaxda Islaamka ee Dalka Senagaal

Saturday - March 15, 2008

Senagaal Dakar- Shirweynihii Madaxweynayaasha Islaamka ee Labada Maalmood ka socdey dalka Sinigal ayaa soo dhamaaday waxaana ka soo baxay War Murtiyeed aysan horey u arag Madaxweynayaasha dalalka Islaamka.

Madaxda Ururkaasi ayaa Cambaareeyey dagaalada ka soconaya wadamo badan oo ka mid ah dalalka Islaamka ,waxa ayna sidoo kale ugu baaqeen dawladda Faderaalka & Kooxaha ka soo horjeeda in ay wada hadalo yeeshaan si looga baxo dhibaatada mudada soo jirtey, waxayna soo dhaweyeen Raysalwasaaraha Soomaalida oo ku dhawaaqay Nabadgalyo iyo wada hadal.