Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Taliyihi Hore NISA Oo Caro Garoortay Kula Kufay Madaxweyne Farmaajo .. Haddu Dahab Ahaa Hada Waa Maar Suuqa Qiimo Ku Lahayen

Friday - Feb 2, 2018


Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu yahay nin wanaagsan, laakiin sida uu yiri uu ugu jiro faraati Jinni ah oo ka dhigay siyaasadiisi mid colaad soorta.

Mudane Sanbaloolshe oo wareysi siiyay Telefishanka Goobjoog ayuu ka hadlay arrimo badan oo ku wareegsan madaxweynaha Soomaaliya iyo waxqabadkiisii intii uu xilka NISA hayey, wuxuuna eeda dusha ka saaray xubno uu ka talo qaato madaxweyne Farmaajo oo sida muuqata uu ula jeedo agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji.
Mudane Sanbaloolshe oo mar wax laga weydiiyey Dhiibisti Qalbi Dhagax ayaa jawaab waafiya ka bixin-waayey oo warkiisi uun ku meereystay ma ogi iyo kama warqabo, taaso loo qaatay in qaabka u jawaabta uga bixiyey inu isagu yahay ninka kaalinta weyn ka qaatay dhibistaas.
Sido kale Sanbaloolshe ayaa wareysigiisi raacshay in dawlada Riwaayadaha ololaha siyaasadeed wax ka badasho oo wax dhaba la taaban-karo horumar ah ummada loo qabato si shacabka niyadiisa iyo rajadi ay qabeen hoos u dhacday kor loogu soo qaado.