Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Garyaqaan Cabdiqawi Axmed Yusuf Cumar Oo Loo Mgacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Aduunka Ee Xarunteedu Tahay Magalada Hague

Tuesday - Feb 6, 2018


Qareenka caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdiqawi Axmed Yusuf Cumar ayaa maanta loo doortay Gdoomiyaha Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland.
Cabdiqawi oo horey u ahaa Gudoomiye ku xigeenka Maxkamadaas ayaa noqonaya ninkii labaad oo Afrikaan ah oo Gudoomiye ka noqda Maxkamada Hague oo la asaasay sanadkii 1946.

Qareen Cabdiqawi Axmed Yusuf waa 70 jir famil ahaan ka soo jeeda degaanada Qardho, laakiin ku dhashay Degmo xeebeedka Qadiimiga ah ee EYL Gobolka Nugaal, wuxuu markiisi hore ka soo qalin jabiyey jaamacda sharciga ee ku taal magalada Florence ee dalka Talyaaniga, kadibna wuxuu PHD ka qaatay jaamacada international low ee ku taal magalada Geneva .. Bari-samaadki wuxuuna bare sharci ka ahaa Jaamacadii Umada ee Muqdisho.

Sidoo kale Cabdiqawi wuxuu la taliye dhanka sharciga ah u noqday hay’adaha Qaramada Midoobay qaarkood sida UNESCO, UNIDO iyo UNCTAD, ka hor intii uusan ku soo biirin Maxkamada sanadkii 2009 .. Sanadihii ugu danbeeyay waxaa soo badanayay Soomaali madax sar sare ka noqonaysa aduunka.