Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Hogaamiyihi Ururka Daacish Abu-Bakar Baqdaadi Oo La Ogaaday Inu Ku Noolyahay Dalka Aljeriya

Saturday - Feb 10, 2018


Dowladda Algeria ayaa shaacisay in ay ku daba jirto xog la xiriirta in hoggaamiyaha Ururka Daacish Abuu Bakar Al-Baqdaadi uu ku suganyahay Dalkaas.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Algeria sidoo kalena ah wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Dalkaas Ahmed Gaid Salah, ayaa booqasho ku maraya saldhigyada kala duwan ee Milatariga Dalkaas.

Ahmed Gaid Salah,ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu sohdimahiisa ka difaacdo waxa uu ugu yeero argagixisada iyo tuhunka la xiriira xoggaamiyaha Daacish ee dalkaas ku sugan.

Ciidamada Algeria ayaa dhowr jeer sameeyay howlgallo ka dhan ah Daacish iyaga oo baaritaanno gaar ah ka sameeyay magaalooyinka la tuhmayo in Daacish ay ka degeyso Dalka Algeria.

Abuu Bakar al Baqdaadi ayaa la xaqiijiyay in isaga oo qaxooti iska dhigaya uu maray Sohdimaha Dalalka Chad, Niger iyo Libya ilaa ii Dalka Algeria ka galo.

Waddanka Algeria waxaa uu ka baxay colaaddii sokeeye ee 1990kii,waxaana dagaalkaas ku dhintay 200,000 Qof ,iyada oo dhamaadkiisii kaddib Algeria ka mid noqotay waddamada ugu awoodda badan Qaaradda Afrika.