Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Itoobiya Waa Muqleyneysa .. R/W Hilemariam Oo Yiri: Ma Jirto Dawo Xanuunka Dalka Bogsiisa Oo Aan Ahayn Inaan Kursiga Dhaafo

Thursday - Feb 15, 2018


Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa, kaddib khudbad uu ka jeediyay Telefishinka dowladda.

Hailemariam ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu iska casilay xilka Ra’iisul wasaarenimada iyo Madaxa Xisbiga EPDRF ee haya talada dalka Itoobiya.

Mr Desalegn oo xukunka la wareegay sanadkii 2012, kaddib geeridii Meles Zanawi ayaa wajahayay caqabado iyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo bilihii la soo ka jiray dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa wajaheysay mucaarado xooggan iyo rabshado uga imaanayay qowmiyadaha ugu ballaaran dalkaas sida Oromada iyo amxaarada, iyadoo hey’adaha xuquuqda Aadanaha ay ku eedeeyeen xadgudubyo dhinaca bani’aadanimada oo ka dhacay dalkaas.

Sanadkii hore ayaa laga qaaday xukun degdeg ahaa oo bilooyin saarnaa dalkaas iyo xanibaad la saaray qeybo ka mid ah dalkaas oo rabshado ay hareeyeen.

Is casilaada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemarima ayaa waji cusub gelineysa xaalada dalka Itoobiya oo qasneyd sanadihii u dambeeyay, kaddib mowjado rabshado oo hareeyay dalkaas.