Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Itoobiya Oo Xukun Deg Deg Ah Lagu Soo Rogay Iyo Cabsida Laga Qabo Saameynta Ay Ku Yeelan-doonto Nolosha Shacabka

Friday - Feb 16, 2018


Dalka Ethiopia ayaa lagu soo rogay Xukun deg-deg ah maalin kadib markii uu Ra’iisal Wasaarihii dalkaas Hailemariam Desalegn uu si kedis ah ugu dhowaaqay inuu is casilay.

War ay sii deysay warbaahinta dowlada Ethiopia ayaa lagu sheegay in xukunka deg-degga ah uu yahay mid loogaga hortagayo inay banaanbaxyo dhacaan.

Hase yeeshee lama sheegin inta ay socon doonto xaalada deg-degga ah iyo weliba waxyaabaha ka reeban dadka inay sameeyaan mudadaas, waxaase la hubaa in xukunkaas deg dega ah saameyn weyn ku yeelan-doono nolosha Shacabka.

Dhowaan ayay dowlada Ethiopia waxa ay xabsiyada ka sii daysay boqolaal maxaabiis ah kuwaasoo ay ka mid ahaayeen hogaamiyaal mucaaradka Ethiopia.

Mr Hailemariam ra’iisal wasaarihii hore ee Ethiopia ayaa shalay sheegay in go’aanka uu u gaaray in uu kursiga baneeyo ay tahay in is casilaadiisa ay soo gabagabeyso xasilooni la’aanta siyaasadeed ee ka jirta wadanka.

Banaanbaxyo loogaga soo horjeedo dowlada Ethiopia ayaa waxa ay ka bilowdeen Oromia bishii November 2015,banaanbaxa ayaa ku sii fiday gobolka Amxaarada.

Oromia iyo Amhara ayaa ah labada qowmiyadood ee ugu ballaaran wadanka Ethiopia waxayna shacabka qowmiyadahaas qaarkood ay aaminsan yihiin in garabka lagu riixay laga bilaabo afgambigii ka dhacay dalkaas sanadkii 1991.