Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Golaha Wasiirada Oo Ansixiyey Taliyihi Hay'ada Nabadsugida, Asluubta Iyo Poliska

Monday - Feb 19, 2018

Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida iyo Asluubta ayaa maanta la magacaabay, kaddib shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Wasiirada.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Liiska iyo magacyada Saraakiisha la magacaabay iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan:
1- Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe ayaa mar kale loo magacaabay Taliyaha Asluubta. oo kasoo jeedo Beesha Madhibaan

2- Bashiir Cabdi Maxamed  oo loo magacaabay Taliyaha Booliska isagoo kasoo jeedo Beesha Majeerteen

3- Xuseen Cusmaan Xuseen oo loo magacaabay Taliyaha Nabadsugida oo ka soo jeedo Beesha Digil iyo Mirifle.. Magacaabistaan ayaa noqotay mid si weyn loola yaabay kadib markii xilalka loo dhiibay shakhsiyaad aan aheyn kuwii la hadal hayey.

Magacaabiddan waxaa ay timid ku dhawaad afar bil kaddib markii xilka laga qaaday Taliyayaashii Booliska, nabadsugida iyo Milatariga kadib Qaraxyo ka dhacay Muqdisho.