Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Waa Qormadii Maalinta Jimcaha Ee Baraarujinta: "Su'aasha Iyo Ciqaabta Qabriga" Subxaana Alla

Thursday - June 19, 2008

Walaalayaal,

Markii maydka qabriga la soo duldhigo,hawsha adag ee taalaa qabriga waxay ka bilaabantaa laba malag oo la kala yiraahdo Munkar iyo Nakiir,oo ilaahay u wakiishay inay qofka dhintay su,aalo waydiiyaan.
Qofkii intaanu dhiman xariga ilaahay haystay ee cibaadaysan jiray iyo qofkii  xadhiga ilaahay gooyay ama faasiqa ahaa ee aan cibaadaysan jirin midba suurad ama muuqqal gooni ah ugu imanayaan.