Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 17 April 2024

Dal Ku Gal " Visa" Lagu Tagayo Ameerika Iyo Yurub Oo Ku Xiran 10$ Khidmo Ah Iyo Tiket 800 Dollar

Friday - June 20, 2008

Hargeysa : Cadceedii soo baxdaaba cibaaradeeda leh……..waxa suuro gala in qof kasta oo mawduucan akhriyaa, layaab ku noqon karto waxa ka jira qisadan run iyo been mida ay tahay.

Waxa la  sheegayaa inuu jiro wiil dhalinyaro ah oo dadka u dhoofiya dalka dibadiisa isagoo kaashanaya Jin ruuxiya.

Ninka arrintan ugubka ah ayaa degen magaalada Hargeysa, isla markaana haysta dad tiro badan oo aaminsan kuna raacsan hawshan dhoofinta siiba dhalinyarada u waalatay dibad dhoofka, dadkaasoo ka kala yimi Magaalooyinka Burco, Gaal-kacayo, Boosaaso, mogadisho iyo weliba meelo kale. Sida la sheegayo ninkan oo aan da' ahaan weyneyn Naaneystiisa loo yaqaan Mr. Dacaw, balse aan la garanayn magaciisa oo dhameystiran.