Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Meydkii Shabaabkii Weeraray Caawa Villa Somaliya Oo La Soo Bandhigay

Friday - Feb 23, 2018


Qaraxyo iyo Rasaas xoogan ayaa caawa siyaabo kala duwan waxa ay uga dhaceen Agagaarka Madaxtooyada Somalia iyo meel u dhow Hoteel Dorbin oo dhawaan laga furay Magaalada Muqdisho kaas oo ku dhow Isgoyska Jubba iyo Xarunta ugu weyn Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliyeed.
Wararka ayaa intaa ku daraya in maleeshiyaad hubeysan ay Rasaas isku weedaarsadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Somalia Nawaaxiga Hoteel Sayidka oo u dhow Xarunta Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Maleeshiyaadka ay rasaasta is weydaarsadeen ciidamada dowlada ayaa watay 2 gaari nooca Runeedka loo yaqaan kuwaa oo rasaas ooda uga qaaday ciidamada kadib markii ay adeegsadeen awood.

Saraakiisha ciidamada Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, ayaa sheegay inay toogteen Saddex nin oo ahaa rag hubaysan, lana socday gaari ku qarxay halka loo yaqaan Dhagaxtuur oo ku dhaw Masaajidka Isbaheysiga ee Magaalada Muqdisho.

Seddexda maleeshiyo ayaa ku labisnaa dareeska ciidamada Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa dhawaan loo qaatay Booliska ee uu qoray Gen. Mukhtaar.

Intii dagaalka uu socday, ayaa waxaa halkaasi ku dhintay Laba Alifle Xoogga dalka Bashiir oo ka mid ahaa ciidamada illaalada Madaxtooyadda, kaasi oo ay dileen ragga hubaysan.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa 18 qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 24 qof, kuwaasi oo la gaarsiiyay Isbitaalada Muqdisho.