Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Ina Salmaan Oo Bambadi Siyaasada Biinka Ka Furay .. Boqorka Oo Shaqada Ka Cayriyey Saraakiil Sar-Sare Oo La Tuhmay

Tuesday - Feb 27, 2018


Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaqada ka cayrisay abaanduulayaashii sarsare ee militariga dalkaasi ka dib digreeto ka soo baxday Xafiiska boqortooyada Sucuudiga.Waxaana ka mid ah madaxda la cayriyay madaxii ciidamada qalabka sida.

Boqorka Sacuudiga boqor Salman ayaa sidoo kale badalay abaanduulayaasha ciidamada dhulka iyo kii cirka .. Warka ku saabsan in madaxdani xilka laga qaaday ayaa waxa daabacday wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee (SPA) balse wax sabab ah laguma sheegin xil ka qaadista. walow dad xaga sirdoonka gacan saar la leh ay xigteen in saraakiishaas lagu tuhmay abaabul inqilaab, warka ayaa intaa raacinaaya in Dhaxal suge Moxammed bin Salman, oo sidoo kale ah wasiirka gaashaandhiga ayaa la rumaysan yahay in uu ka dambeeyo isbadalo dhowr ah oo dhowaan dalkaasi ka dhacay.

Tani waa isbadal kale oo balaaran oo lagu sameeyo hay’adaha Sacuudiga taasi oo dhacday xilliga awoodda uu hayay boqor Salmaan inkastoo awoodda ka dambaysa ay tahay dhaxal suge Maxammed bin Salman, sido kale Faragalinta ay Sacuudiga ku sameeyeen Yaman ayaa ahaa mashruuc uu watay dhaxal suge Maxammed bin Salman laakin hawlgalkaasi ilaa iyo imika wuu guuldaraystay, inkastoo Xuutiyiinta uu ku qasbay in laga saaro Koonfurta Yaman.