Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Amerikan Senator Jack Reed Oo Yiri: Farmaajo Ma Haysto Kalsoonida Shacabka Somaliyeed

Wednesday - Feb 28, 2018


Senator Jack Reed oo maalmo ka hor booqasho gaaban ku yimid magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay safarkiisa iyo kulan uu Madaxweyne Farmaajo kula qaatay garoonka diyaaradaha, isagoo xusay in loo baahan yahay in Mareykanka taageero dheeraad ah siiyo Soomaaliya.

Jack Reed ayaa sheegay in Al-Shabaab laga adkaan karo, balse aanay dowladda Soomaaliya heysan kalsoonida shacabkeeda.
“Al-Shabaab dhul baaxad leh ayay ka taliyaan, waxay si firfircoon leh uga qaataan dadka canshuurta, meelaha qaarkood oo aysan dowladda heysan ayay sharciyad ku heystaan oo ay dadka ugu kala garsooraan”ayuu yiri Senator Jack Reed oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga,
"Hadii aan taa wax laga qaban Alshabaab way sii jirayaan, waxayna kari karaan in ay inna shirqoolaan, ma aha oo keli ah Soomaaliya balse Gobolka oo dhan" ayuu yiri oo wareysi siiyay Idaacad lagu magacaabo National Public Radio.
Mar la weydiiyay in hadii dowladda ay maamusho magaalada Muqdisho oo dhan, isla markaana diblomaasiyiinta Mareykanka ay yihiin kuwo xakameysan oo aanay dhaafi karin garoonka diyaaradaha in Muqdisho aanay noqon karin magaalada ugu ammaanka badan, ayuu ku jawaabay in Muqdisho aanay aheyn magaalada ugu ammaanka badan, isla markaana dhacdooyin argagax leh ay ka dhaceen sida qaraxii 14 October oo lagu dilay dad ka badan 5 boqol oo ruux, waxaa uu tilmaamay in 25 sano ka hor uu joogay Muqdisho, isla markaana magaalada ay si aad ah isu bedeshay, ballaaratay, isla markaana horumartay ganacsigeeda kor u kacay, waxaa uu xusay in Al-Shabaab wax looga qaban karin kaliya howl gal ciidan, balse loo baahan yahay horumar dhaqaale, si loo ballaariyo waxqabadka dowladda.