Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Madaxweyne Muuse Bixii Iyo Ku Xigeenkiisa Saylici Oo Car Iyo Car Ku Kala Tagay

Thursday - March 1, 2018


Khilaaf culus ayaa soo kala dhexgalay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici. Khilaafkan ayaa taagnaa labadii todobaad ee ugu danbaysay kaasoo laga casbi qabo inuu dibadda usoo baxo maalmaha soo socda. Xiisadan ayaa ka dhalatay waxa laga yeelayo Saami-qaybsiga kuraasta baarlamaanka ee Beelaha Darafyada inta aan la gaarin doorashada.

Khifaaka ka dhex alloosan Madaxweyne Muuse iyo Saylici, ayaa cirska isku shareeray kadib markii Madaxweyne Muuse Biixi, ku adkaystay in doorashada baarlamaanka lagu galo sida ay imika tahay oo aan waxba laga bedelin, halka madaxweyne ku xigeeenku uu ku doodayo in wax laga bedelo lana sameeyo saami-qaybsi dhab ah oo raali lagu wada yahay.

Arrintan ayaa dhalisay inay labada masuul ku kala kacaan miiska taasoo sida la sheegay aanay wax shaqo iyo xiriir ahi ka dhaxaynin labada Masuul ee ugu sareeya qaranka.

Waxay ahayd todobaad kahor markii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax si cad uga hadlay Saami-qaybsiga kuraasta Baarlamaanka kuna tilmaamay wax caqliga iyo cadaalada ka fog in lagu galo doorashada sida uu hada yahay.