Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Xildhibaano Ka Tirsan BF Oo Mooshin Ka Dhan Ah Heshiiska Dekada Barbara Hordhigi-doona Kala Fadhiga Baarlamaanka

Sunday - March 4, 2018



Iyadoo maalmaha soo socda la filayo in kalfadhiga 3aad ee Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka uu furmo ayaa waxaa qaar ka mid ah Xildhibaanada ay shaaciyeen inay hordhigi-doonaan Mooshin ka dhan ah heshiiska saddex geesoodka ee Dekeda Berbera.

Xildhibaan Aadan Isaaq oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa sheegay in kalfadhiga hada furmaya ay ku balansan yihiin inay mooshin ka dhan ah heshiiska Dekeda Berbera.

Xildhibaanka ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid sharci daro ah, isla markaana aanay marnaba la aqbali akrin, xildhibaanka ayaa yiri: Anaga Heshiiska waa ka hadalnay, waxaa u balansaneyn in kalfadhiga marka uu furmo dooda la guda galo oo mooshin heshiiskaas ku saabsan la soo bandhigo, horay ayaa loo keenay, laakiin mooshinkan wuu kaga duwan yahay in la soo bandhigay saamiga iyo qaabka loo kala qaatay.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa dhamaadkii sanadkii hore sheegay inay mooshin ka keeneen Imaaraadka Carabta saldhigga Milateri ee Berbera iyo heshiiska Dekeda, hase ahaatee mooshinkaas ayaa markii dambe hoos loo dhigay, kaddib markii uu soo fara geliyay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho oo kulamo la qaatay Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxda dowladda.

Hase ahaatee mowqifka Xukuumadda ka qaadatay heshiiska saddex geesoodka ee ay saamiga Dekeda Berbera ku qeybsadeen dowladda Itoobiya, Shirkadda DP World iyo Somaliland ayaa waxaa uu dhabaha u xaari doonaa in Baarlamaanka kulamadiisa ugu horeeya looga doodo arrintaas.