Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waraabow Maalin Wacan .. Mooshinkii Loo Shaqlay Jawaari Oo Fashal Ku Dhacay

Wednesday - March 14, 2018


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay Mooshinkii aroornimadii hore ee saakay ay ka gudbiyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay oo saaka Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay tiradooda inay ka badan tahay 100 Xildhibaan, waxayna sheegeen inay Mooshin sharci ah ka gudbiyeen Gudoomiye (Jawaari).

Qodobada ay ku eedeeyeen waxaa ka mid ah xil gudasho la’aan, Ku xad gudubka Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, Ku takrifal awoodeed iyo caburinta xildhibaanada iyo dhisid la’aanta Guddiyada Baarlamaanka.

Guddoomiye (Jawaari) oo galabta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inuu codsanayo in xildhibaanada ay ilaaliyaan Golaha midnimada.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka in Sabtida wixii ka dambeeya ay bilaabanayaan Howlaha Baarlamaanka, Mooshinkana uu sidaasi ku buray, isaga oo tilmaamay in arrintan ay aheyd Dimuqraadiyad.

“Waxaan codsanayaa in dhammaan xildhibaanada ay ilaaliyaan Golaha midnimada, Sabtida wixii ka dambeeya waxaa bilaaban doona Howlaheena caadiga ahaa, dhammaan waan idinkaga mahadcelinayaa biseelka siyaasadeed ee la gaaray.”. Ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.