Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

R/ Wasaare Kheyre Oo Jar U Dagay Jawaari .. Xildhibaanadi Oo Indhaha Faraha Is Ka Galiyey Iyo Farmaajo Oo Xaalkiisi Noqday Foorar Iyo Aamusnaan

Friday - March 16, 2018


Buuq iyo booli-xoofto iyo been la kala sheego ayaa ka dhex taagan xildhibaanadi baarlamaanka Fedaraalka somaliya, waxaana kulankii xildhibaanada ee maanta uu isu badalay dagaa weerarl af ka hadal ah, waxaana muuqata in baarlamaankii lagu soo dhex tuuray fitno shirqool ay ka dambeeyaan gacmo qarsoon iyo dawlada shisheeye, lamana yaqaano ciida ay isla rogi-doonto, koleysaba ummadu wey la socota sida ay wax u dhacayaan.
Wararka ayaa tilmaamaya in mooshinka laga keenay Jawaari u ka dambeeyo Raiisal wasaare Kheyre oo sida la sheegay ujeedadiisu tahay inu meel marsado qorsho isaga u gaara oo u ku doonaayo in loo ansaxiyo oo khatar u ah qaranimada dalka.
Sido kale wararka iyo dareenka shacabka ka imaanaaya magalada mogdisho ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed Farmaajo oo waayahaan dambe lagu xanto inusan lahayen biseyl hogaamin iyo siyaasadeed u markaan sidi caadadu ahayd door bidaayo inu aamusnaan ku kabo.