Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Xaalkii Dalka Oo Maraya Riwaayadi La Oran-Jiray Xaajo-ba La Yaab Leh .. Xildhibaano Eedeeyey Gudomiye Mudey Iyo Ku Xigeenkisa Oo..

Monday - March 26, 2018


Guddi Xildhibaano oo la magac baxay Guddiga Badbaadada Baarlamaanka oo ku shiray xarunta Villa Hargeysa ayaa ku eedeeyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Ibraahim Muudey inuu la saftay Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari, halkii laga rabay inuu dhex dhexaad noqdo.

Guddiga Xildhibaanada kulanka yeeshay oo la sheegay inay gaarayeen illaa 110 ayaa waxaa shir guddoominayay Xildhibaan Maxamed Cumar Carte Qaalib, waxaana ay kulankooda ka soo saareen baaq ay ku sheegeen in la helo Guddoon dhex dhexaad ah, isla markaana Guddoomiye C/wali Muudey aanu dhex dhexaad aheyn, isla markaana aanu keligiis go’aamin karin Kulanka Golaha Shacabka.

Waxaa ay soo jeediyeen in si degdeg loo qabto shirka Guddiga Joogtada, isla markaana Guddiga xalinta khilaafaadka Aqalka sare ay goobjoog ka noqdaan.
Guddigan ayaa ugu baaqay Xukuumadda inay faraha kala baxdo arrimaha baarlamaanka, isla markaana amniga wax ka qabato iyo xaalada ka taagan degmada Beledxaawo, Sido kale waxaa ay soo dhaweyeen baaqi ka soo baxay Aqlka sare Ee baarlamaanka ee la xariiray xal u helida Mooshinka

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad, ayaa isna dhiniciisa sheegay in mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari inuu xiriir la leeyahay sharcigii baarlamaanku ansixiyey ee mamnuucayey shirkadda DP World.
Hadalkan ayaa ka dambeeyey xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhexeeya xildhibaannada taabacsan xukuumadda iyo kuwa difaacaya guddoomiyaha baarlamaanka.