Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Xil. Golaha Shacabka Oo Miliqsanaaya Sidi Mas-Cagaley Haraaday .. Jawaari Oo Guul La Findhi-Cilanaaya Iyo Kheyre Oo Kaadi Kulul Ka Socota

Tuesday - March 27, 2018


Wali waxaa taagan muranka mooshinka xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia ay ka keeneen gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Mooshinka Jawaari laga keenay ayaa lagu abaabulay 24 saac gudahood, markii ay xukuumadu ogaatay in la qoraayo mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaare Kheyre.

20 cisho ku dhowaad waxaa hakad ku jira howlihii xukuumada iyo tan golaha shacabka, hotelada magaaladu waxey noqdeen kuwo aad mashquul u ah , lacag badan ayaa soo gashay magaalada oo ka timid labadda daraf ee is haya, halka Al Shabaab ay xoojisay qaraxyada iyo dilalka gaadmada ah tan iyo markii uu dilaacay is qab qabsiga madaxda sare.

Xildhibaanada taageersan Jawaari waxey sugayaan in bari oo ah 28 bisha March lagu kala baxo arrinta Jawaari, Aqalka Sare ayaa isna ku raacay in 28ka howshu dhinac u dhacdo, laakiin uma muuqato iney bari wax dhamaan karaan.

Waxaa suurta gal ah iney bari hadlaan kooxda Jawaari, waxaa kaloo la falin karaa iney sameeyaan wax qalalaasaha sii badiya.

Jawaari wuxuu heystaa xildhibaano dhowr nooc ah ,qeyb waa kooxdii Qabyo ee Xasan Shiikh ,qaar waa xisbiga Daljir oo la sheego iney 13 xubnood ku lee yihiin Aqalka hoose, koox waa xildhibaano la baxay Himilo oo u badan kuwo ka carooday balamo xukuumadu uga baxday, qaarka kalana waa xubno kasoo jeeda Baay iyo Bakool oo isaga taageersan.

Xubnaha Jawaari taageersan waxey badi kasoo jeedaan Gal­Mudug iyo Hirshabeele, Jawaari waxaa la sheegaa inuusan heysan dhaqaalo badan oo uu ku dagaalamo, balse ilo xogogaal ah waxey sheegayaan inuu markaan jeebka gacanta galiyay si uu u bad baado, sidoo kale waxaa la aaminsan yahay inuu yahay nin saaxiibo badan leh.

Sida muuqata, khilaafkan waxaa ku bixi kara mid ka mid ah sadexda nin ee dalka ugu sareysa.

Jawaari wuxuu u baahan yahay mar walba wax ka yar 93 xildhibaan, waxaana loo eegi doona hadba inta mudane ee fadhiga soo xaadirta.

Hadii uu Jawaari bad baado, waxa ugu horeya ee dhici kara waa inuu madaxweyne Farmaajo isku furto Ra’iisul wasaarihiisa ama la dabaqo mooshinka xukuumada, oo la aado lacag bixin horleh iyo dagaal cusub oo aan la sahmin karin natiijadiisa, Sidoo kale lama hubo iney xildhibaanadu ka wareejin doonaan madaxweynaha qudhiisa.

Jawaari waxaa kaloo u taala sidii uu ka yeeli lahaa xildhibaanada isaga diidan oo la aaminsan yahay iney boqol ka badan yihiin, waxa dhici kara waa fowdo iyo kulamada oo la arbusho hadii uusan Jawaari helin jid kale oo uu kusoo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee kala dhaxeeyay xildhibanadas.

Hadii uu Jawaari baxo, sida ay wax noqon doonaan waxey ku xiran tahay gudoomiyaha imaan doona iyo kooxda wadata.Dadka aadka ula socda arrintaan waxey aaminsan yihiin in Baarlamanku uu kala qeybsanaan xoogan wajihi doono.

Xukuumadu waxey aaminsan tahay in hadii ay Jawaari iska wareejiso ay xal fiican heli doonto, laakiin taas lama hubo waxeyna ku xirnaan doontaa nooca qofka imaan doona.

Mucaaradku waxey bilaabi doonaan iney is abaabulaan oo ay qarash badan huraan, si aaney Villa Somalia u wada maamulin sadexda kursi ee dalka ugu sareysa , waxey hadba guushoodu ku xirnaan doonta sida ay u shaqeeyaan iyo inta uu jeebkoodu la eg yahay.

Si kastaba, Baarlamaanka 10aad wuxuu u muuqda mid jidkii saxda ahaa ka lumay, xukuumadu eed bey ku leedahay inuu suurad xumaado Baarlamanku.