Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Guddoomiye Jawaari Oo Gudoomiyey Kulankii Guddiga Joogtada Golaha Shacbiga

Thursday - March 29, 2018


Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa galabta shir guddoomiyay kulanka Guddiyada Joogta Golaha, kulanka waxaa looga hadlay ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid yihiin sidii dib loogu bilaabi lahaa howlaha caadiga ahaa ee fadhiyada Baarlamaanka iyo shaqooyinka kale ee horyaalla Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, xubnaha Guddiyada joogtada ah, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) iyo Hab dhowrayaasha ayaa ku sugnaa kulanka, sida lagu arkay sawirro xubnahan laga soo qaaday.

C/wali Ibraahim Muudey Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka oo la rumeysan yahay inuu hor boodayo xildhibaanada la sheegay in ay gadaal ka riixeyso xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayra ayaa ka maqnaa kulanka.

Xubnahan galabta shirka ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay isku raaceen inuu jiro Sabtida kulanka Baarlamaanka, ajandihiisana laga dhigo doono xiisada ka taagan Magaalada Beled Xaawo ee ka dhalatay xuduuda dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

“Maanta waxaa dhacay kulankii 29-aad ee Guddiga joogtada, waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana looga hadlay ajandaha Goluhu uu ku shaqeyn doono, maadaama labadii todobaad ee u dambeysay uu galay howlo kale, kulanka Sabtida waxa looga hadlayaa xiisada ka taagan Magaalada Beled Xaawo.” Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdi (Buux).

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa horey u sheegay Sabtida soo aadan ee Taariikhda ay ku began tahay 31-ka bishan March in xildhibaanada ay ka doodi doonaan Mooshinka Guddoomiye (Jawaari).

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u hadal haya khilaafkan, waxaana ay ka dhowr sugayaan maalinta Sabtida ah, oo xildhibaanada iska horjeeda ay kala sheegeen hadalo isburinaya, welina aanan xal laga gaarin xiisadan.