Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Albaab Duug Ah Oo Lagu iibsaday Boqol Kun Oo Doolar

Friday - April 13, 2018


Albaabka qolkii uu hotel ka degenaa heesaaga caanka ah ee dalka Maraykanka Bob Dylan ayaa lagu kala gatay lacag dhan $100,000 doolar, kadib markii lasoo dhigay carwo xaraash ah.

Hotelka oo lagu magacaabo Chelsea ayaa waxa uu ku yaalaa magaalada New York, wuxuuna albaabka qeyb ka ahaa illaa 50 albaab oo hoteelka uu la lahaa oo xaraash la galiyay, halkaas oo ay xiliyo kala duwan degeen dad caan ah.

Albaab kale oo ay degenaayeen labo xiddig ayaa isna lagu kala iibsaday $85 kun oo doolar.

Hotelkan oo la dhisay sanadkii 1880-kii ayaa waxa uu muddo dheer hoy u ahaa heesaayo, iyo filim jilayaal caan ah oo jiilal kala duwan ahaa.

Qoraaga caanka ah Jack Keouac, ayaa buuggiisa On The Road ku qorey hoteelkan sanadkii 1950-naadkii, qolkii uu degenaa albaabkiisana waxaa lagu kala iibsaday $30,000 doolar.

Qof horey u degenaa hoteelka Jim Georgiou , ayaa albaabada la wareegay sanadkii 2001-dii, xilligaas ooh awl dayac tir ah lagu bilaabay hoteelka.

“Aniga waxa ay iiga dhiganyihiin taariikh iyo qurux qalbigayga boos weyn ku leh, waana sheeyo qaali ah, sababtoo ah dad badan ayaa albaabada ka galay ama ka baxay” ayuu yiri Jim oo u waramay wargeyska New York Times.

Sanadkii 1966-dii ayaa loo aqoonsaday in uu yahay astaantaha magaalada New York mid ka mid ah, walina waxaa hadda ku socota hawsha dayactirka ah.