Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Cabdi-Weli Gaas Oo Gaashaanka U Daruuray Beenta Baraha Bulshada Isla Markaana Cadeeyey In Puntland Iyo Imaaraadka Aysan Kala Dan Furan

Monday - April 16, 2018



Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo goor dhow Shir ku qabtay Xeradda Ciidamada badda Puntland ee ku taalla duleedka Magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay Wararka sheegaya in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka baxday degaanda Puntland.

Waxaa uu sheegay in Puntland iyo dowladda Imaaraadka Carabta uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan oo ku aadan horumarinta Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa beeniyay in Garoonka Boosaaso ay ka baxeen tababarayeyaal u dhashay dowladda Imaaraadka Carabta, isla markaana sidoo kale Caddeeyay in Puntland ay sii wadi doonto wada shaqeynta dowladda Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu sheegay in Warar been Abuur ah lagu faafiyay Baraha Bulshadda kasoo ahaa in uu xumaaday Xiriirkii Puntland iyo Imaaraadka Carabta,Waxaa uu ugu dambeyntii xusay Madaxweyne Gaas in aysan jirin Saraakiil Imaaraad ah oo lagu dhibaateeyay Garoonka Boosaaso.