Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 25 September 2018

Suufinimadu Waa Qur'aan Ruugnimo Iyo Cibaado Badan .. Waa Culida Nafta, Iska Xakameynta Dhal-dhalaalka Nolosha Iyo Sifeynta Akhlaaqda

Thursday - April 19, 2018


Suufinimada Qeexataano badan baa loo sameeyey, wax badana waa laga qoray oo taageero iyo naqdinba isugu jira .. laakiin waxaa la isku raacsan-yahay Suufinimadu iney Qayb ka noqotay fidinta iyo barashada diinta oo dhul badan ugu socdaaleen si ay diinta meelo badan u gaarsiyaan.

Suufiyada, Qaar ayaa ku sheega saafinimo Akhlaqeed iyo mid Ruuxi ah, kuwa kale waxay ku tilmaamaan Dad Qur'aan Ruugnimo iyo cibaado badan lagu yaqaan oo inta badan masaajidada hoy u ah.. Culimo badan oo wax ka qortay Suufinimada ayaa ku sheegay in suufiyada ay tahay kasmada lagu barto culida nafta, sifeynta akhlaaqda iyo kolba looga shaqeeyo sidii loo gaari-lahaa baraaraha lagu waaraayo.

Tasawufka Islaamiga ahina waa hannaan ku dhisan fahamka diinta. Markii diintu faaftay ee la dhex galay dadyow dhaqamo kala duwan leh, ayaa dadkii ku loo-lameen kala badsiga adduunyada iyo dhex muquurasha-deeda, waxaa Soo baxay falcelino arrinta la iskaga moosayo oo ay bilaabeen dad u go’ay Cibaado iyo Alla bari, oo nolosha adduun dhal-dhalaal-keedana aad isaga xakameeyey, loona bixiyey Cubbaad iyo Suhaad .. Cibadadaasna wax budhig u ahaa kuna caan baxay Rag Iyo Dumar ay ka mid ahaayeen Malik ibnu Diinaar, Ibraahim inbu Ad’ham, Raabicah al Cadawiyah, Shaqiiq Al balakhi iyo kuwa la mida.

Kooxdaas Cibaada badnaanta iyo u dhowaan-shaha Alle ku caan baxday ayaan buddhig u ahayd Suufinimada aadka u faaftay qarniyadii ka danbeeyey. waxay ujeedku ahaa cibaado aan xad-lahayn iyo in laga Saahido, Raaxaysiga iyo waxa dadka badankiisu ku foogan-yihiin, gooni la noqdo, cidlana lagu cibaadaysto, arrintaasi wax caadi ah ayey iska ahayd xilligii saxaabada, markiise adduun raadisku batay boqol-guuradii labaad ee tirsiga Hijrada, ayaa dadkii Cibaadada u go’ay loo bixiyey Suufiy.

Marxaladdan iyo casrigaan Suufinimadu waxa ay ka guurtay keli kelidii, oo kooxaysi ayey noqotay,  waxa samaysmay dugsiyo iyo culimo suufinimada loo daba fariisto oo allifay habab nafta loo laylyo iyo jaran-jarooyin loo maro Naf Leylida iyo culida Qalbiga. Waxa calanka u siday laba dugsi oo kala ah:
Dugsiga Baqdaad: hormuudna ay u ahaayeen Xaaris al Muxaasibi [dh:297h] iyo Abu qaasim al Junayd [dh: 247] Iyo Dugsiga Masar iyo Shaam oo u hor kacayey  Du Nuun Al masri [dh:247] kuwaaso Tasawufka u noqday marjac la daalacdo

Suufiyadu waxa ay ka mid tahay dugsiyada ugu saamaynta badan ee Islaamka, waxa aan cidna ka qarsoonayn doorka ay ku lahaayeen diin fidinta, iyo barashada aqoonta diinta, inta badan dalalka la yaqaan ee Muslimka ah waxa ku yaal qabriyada wadaado Suufiyo ah oo safarro ku maray dhulka Islaamka iyagoo u hagar baxay in ay diinta gaarsiiyaan dadka ..Walow dadka qaarkiis siiba Wahaabiyada ay aad u naqdiyaan fikirka Suufinimada haddana ma qarsoona dadaalka ay diinta geliyeen.