Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Warbixin Waji Gabax Ku Ah Dawlada Somaliya Oo Laga Soo Saaray Shirki Brussels

Wednesday - May 2, 2018


Soomaaliya waa inay dedejisaa isbeddalada ay ku sameyneyso ciidamadeeda, waxaa sidaas maanta yiri dalalka deeq bixiyayaasha kadib wada-hadal ay ka yeesheen horumarka gaaban ee laga sameynayo in ciidamada laga dhigo kuwo awood u leh inay la dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.

Sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters, Hadalkan kasoo baxay shir madaxeedka Brussels ayaa ku boorinaya dowladda Soomaaliya inay si deg deg ah uga shaqeyso wax ka qabashada arrimaha lagu cayimay warbixintii sanadkii tagey ay soo saareen dowladda, QM iyo Midowga Afrika.

Warbixintaas ayaa ciidamada xoogga Soomaaliyeed ku sheegtay “kuwa jilicsan oo leh talis iyo maamul tabar darran”, waxaana ay timid ayada oo ciidamada Amisom ay isku diyaarinayaan inay Soomaaliya ka baxaan sanadda 2020, amniga dalkana ku wareejiyaan kuwa Soomaalida.

Ciidamada Afrikan ah ayaa la billaabay in la dhimo sanaddii tagtay, waana kuwa inta badan la dagaalama maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarada ku haya Muqdisho iyo magaalooyinka kale.

Kuwa taxliiliya arrimaha amniga ayaa ka digaya in ciidamo xoogga oo Soomaali ah la’aantood ay Shabaab dib usoo noolaan karaan.

Deeq bixiyayaasha ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidamada Soomaalida lagu diiwaan geliyo habka faraha la iska qaado, loona sameeyo mushaar bixin ku dhisan habka elektorooniga.

“Ciidamada Soomaaliya waa inay waqti kooban ku sameeyaan horumar weyn, sababtoo ah waxay dib uga sii dhacayaan, oo ay uga sii dhacayaan waqtigii loo gooyey sanadidi tagtey inay guul ku muujiyaan” waxaa sidaas yiri Joshua Meserev oo ka tirsan machadka daraasaadka Heritage Foundation ee Washington.