Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Mdaxweynaha iiraan Oo Sheegay In Mareykanka Haddi U Ka Baxo Heshiiski Nukliyeerka Ay Ku Noqon-doonto Qodax illa Lafta Isku Takhraarta

Tuesday - May 8, 2018


Maxweynaha iiraan Xasan Ruuxaani ayaa sheegay haddii uu Mareykanku ka baxo hishiiska nukliyeerka in uu wajihi doono qoomamo taariikhi ah.
Mr Ruuhaani ayaa hadalkaan ka jeediyey telefishinka qaranka iiraan xilli uu xoghayaha dowladda Britain Borris Johnson, uu u socdaalay Washington si uu Madaxweyne Donald Trump ugu qanciyo in aan Mareykankanku ka bixin hishiiskii lala galay Iiraan.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa madaxweyne Trump waxa uu u sheegay hogaamiyayaasha Faransiiska, Jarmalka in hishiiskii nukliyeerka ee Iiraan uu yahay mid aad u liito.

Wasiirka arimaha dibadda Ingiriiska, Boris Johnson, ayaa shalay u socdaalay Washington, ujeedadiisuna waxay tahay inuu isku dayo in uu ku qanciyo maamulka Trump in aanu ka bixin heshiiskii nukliyeerka ee Iran lala galay,