Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Ciidamada Kacaanka iiraan Oo 20 Gantaal Ku Garaacay Buuraha Golan Haights Ee Heysata Israiil

Thursday - May 10, 2018


Ciidamada Kacaanka Iiraan ayaa la sheegay in illaa 20 Gantaalo ay ku garaaceen saaka oo khamiis ah buuraha Golan Heights ee ay heysato Israa’iil.

Milateriga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in gantaalo ay ku soo rideen fariisimaha ay ku leeyihiin Buuraha Golan Heights Ciidamada Iiraan, balse aanay wax khasaare nafeed ka dhalanin.

Ciidamada Israa’iil ee ku sugan Buuraha Golan ayaa feejignaan dheeri ah la geliyay, iyadoo dadka shacabka loogu baaqay inay raadsadaan goobo ay gabaadsadaan.

Dowladda Israa’iil ayaa dhowaan sheegtay inay aragtay dhaq dhaqaaqyo aan caadi aheyn oo ay sameynayaan Ciidamada Iiraan kaga sugan Gobolka

Iiraan ayaa dhaq dhaqaaq xooggan ku leh gudaha Suuriya, iyadoo taageerta dowladda uu hoggaamiyo Bashar Al Asad.

Arrintan ayaa ka dambeysay, markii Israa’iil ay dhowaan iyana gantaalo ku weerartay saldhig Ciidamada Suuriya ku leeyihiin agagaarka magaalada Dimishiq.