Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Akhbaarti Zamaanki Hore .. Qisadi Ninkii Muujiyey Kibir Iyo Islaweyni (Qaaruun)

Sunday - May 20, 2018


Qaaruun wuxuu ahaa mid ka mida Qoonkii Nabi Muuse CS. waxayna sheegaan inu ahaa wiil u dhalay Muse Adeerki. 
Qaaruun maalkiisa waxaa lagu qaadi jiray Lixdan Dameero ah iyo labaataneyo Xamaali ah, dabeeto Qaaruun markii uu muujiyey Kibir iyo isla-weyni, waxaa wacdiyey oo waaniyey dad wanaagsan oo ku yiri" ha farxin" hana u dhaqmin si isla weyn iyo kibir leh oo ha faanin oo jooji fasahaada, oo ka yeel dadaalkaaga iyo maalkaaga mid lagu bixiyo Jidka Alle,

Qaaruun wuxuu ahaa mid iskula weyn maalkiisa tirada badan iyo awooda Alle siiyey darteed. waana diiday wacdigii iyo wanaaga, oo waxuu yiri " Waxkani waxaa la igu siiyey oo kaliya cilmiga aan leeyahay darteed" waxaan aan haysto waxaan ku helay aqoonta aan idin dheerahay iyo inaan mudanahay ee aniga uma baahni wacdiga iyo waanadiina.

Qaaruun ayaa maalin maalmaha ka mida isago faanaya, wuxuu soo bandhigay dhamaan waxa Alle siiyey Maal iyo Aduunyo, kuwaaso dad badani u hanqal taagay dhal-dhalaalka iyo dhalanteedka oo waxay jecleysteen in sidiisa oo kale noqdaan , 

Waxaa la soo wariyey in Qaaruun uu siiyey xoogaa lacag ah Naag dhilo ah, oo ka dalbay iney ku tiraahdo Muuse dadka horti " waxaad igu sameysay waxaas iyo waxaas" yacni waa iga sineysatay. markaas bay Naagtii ku andacootay arinkaa dadka horti .. Muuse waa u isku naxay markii uu maqlay arintaa, oo tukaday labo rakcadood, dabadeeto u yimid naagti oo ka dalbay iney ku dhaarato waxa ay sheegeyso isla markaa weydiiyey waxa ku xambaaray iney sidaas yeesho. waxay u sheegtay Muuse inuu ahaa Qaaruun kan ku khasbay inay sidaas yeesho, markaas bay ilaahay dambi dhaaf weydiisatay oo ka toobad keentay dambigaa .. Muuse baa wuxuu la dhacay Sujuud oo habaaray Qaaruun .. Alle ayaa markiiba u soo waxyooday Muuse isagoo leh: waxaan amray Dhulka iney kugu adeecdo arinkiisa.

Muuse oo la kulmay Qaaruun wuxuu weydiiyey waxa ku kalifay inu naagta ku edabdarootay uu isagu soo diray, Qaaruun wuxuu yiri "Muusow haddi adiga la iga kaa roonaaday in lagu siiyey Nabinnimo, aniga waxaa la iiga kaa roonaaday oo waxaa la ii siiyey maaliyad aan la koobi karin. waxuu raacshay warkiisi: haddi aad jeceshay waxaynu wada tagi karnaa meel fagaare ah oo i habaari karta aniguna ku habaari karaa. markaas bal aan eegno kaayagii ay ku dhacdo lacanadda Alle.

Markaas bay Muuse Iyo Qaaruun fagaare la isugu soo baxay isago mid walba Dakiisi la socdo .. Muuse ayaa Ku Yiri: ma adigaa i hor habaaraya mise anigaa ku habaara marka hore? Qaaruun wuxuu yiri: aniga ayaa ku habaaraya marka hore. markiina uu habaaray lagama aqbalin habaarkiisi. Dabadeed Muuse wuxuu ku yiri isagii: miyaan ku habaaraa hadda? Qaaruun wuxuu yiri Haa. Muuse wuxuu yiri "Allow amar Dhulka iney ii adeecdo maanta". Alle wuxuu u waxyooday inuu amray .. Muuse dabeeto wuxuu yiri: "Dhulkow Qaad oo Liq Qaaruun" .. markaas dhulki liqay ilaa cagahooda, Dabeeto wuxuu yiri; Qaad oo sii Liq iyaga. markaas bay Dhulki liqay ilaa jilbahooda, dabeeto illa garbahooda, dabeeto Muuse wuxuu yiri: dhulkow keen maalka iyo khasnadooda. markaasay Dhulki keentay. Dabeeto Muuse wuxuu yiri isagoo ku tilmaamaya gacantiisa; liq Daarahaan. weyna liqday.

Markii muuqaalkaa naxdinta leh ay arkeen kuwaa jecleysanayey Maalka, waxay ilaahay uga mahad naqeen ineysan la meel noqon Qaaruun oo sidaas baa looga badbaadiyey cadaab xanuun badan. Dabeeto Alle wuxuu nooga waramay in nolosha aakhiro ay tahay tan baaqiqa ahaan abid.