Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Akhbaarti Zamaanki Hore .. Qisadi Aabihi Anbiyada Nabi Ibraahim NKH Oo Kooban

Saturday - May 26, 2018


Nabi ibraahim waxuu dhashay waqtigi Namruud Bin Kancaan u xukumaayey arlada oo idil illa kun sano ku dhawaad, waxuuna nasab ahaan ka soo jeeda familka Koosh Bin Xaam Bin Nuux .. wuxuu ahaa boqor daalin akhasu-naas ah oo naxariis-daran.

Waxaa la yiri waqtigi Namruud, waxaa ka muuqday samada xidig ifaya oo ka ileys badiyey Qoraxda iyo Dayaxa oo cabsi galiyey dadkii waagaas.
Boqorki Namruud, waxaa galay cabsi iyo wal-wal, markaasu Kuhaanada iyo xidigo faaliyaashi intu si afduub ah ku kulmiyey weydiiyey dhacdadaas. waxay ku yiraahdeen: Waxaa Raaciydaada ka dhex dhalan-doona wiil sabab u noqon-doona iney dunto Boqortooyadaada.

Namruud isla maalintiiba, waxuu amray dhamaan Raga ineysan u dhawaan xaasaskooda iyo in ilmihi dhasha markaa kadib oo idil la dilo .. Ibraahim waxuu dhashay waqtigaas, balase Alle waa ka badbaadiyey gacanta boqorkaas xumi .. Ibraahim waa koray oo barbaaray oo Alle ku fuliyey yaboohiisa.

Ibraahim CSW wuxuu ku dhashay magalada la yiraahdo Suus oo ah dhinaca Ciraaq, waxaa kalo la carbaaba inu ku dhashay magaalada Baabilyoon ee isla Ciraaqa. walow qaar ay sugayaan in u ku dhashay magaalada Dimishiq.

Nabi Ibraahim marki dambe isaga iyo xaaskiisa Saara oo ahayd ina adeertiis, waxay degeen carrada Falastiin, oo halkaas waqti ku noolaayeen ilaa ay uga geeriyootay xaaskiisi weyneyd Saara oo jirtay 127 sano, hasa ahaate geerideeda kadib waxuu mar dambe guursaday gabar la oran jiray Qanduura oo u dhashay lix Cunug oo isugu jira gabdho iyo wiilal.
Nabi Ibraahi C.S.W markii dambe intu cuslaaday ayuu xanuunsaday, waxaana u ku dhintay Cimri 175 sano , iyadoo sida la xusay iney aaseen Ismaaciil iyo Isxaaq oo ku aaseen goob ku taala magaalada Hibroon ee hada loo yaqaan Khaliil, laakiin halka u qabriga kaga yaal goobtaas lama yaqaan. sidaas awgeed goobtaas gebi ahaanteedd waa la xurmeeya.
Abuu Hureyrah Alaha Rraali Ha Ka Noqde Wuxuu yir; Nabigu C.S.W waxuu yiri; Janada waxaa ku yaal qasri-daar weyn oo ka sameysan Luul aan lahayn dilaac iyo duleel aan marnaba duugoobin, u Alle u diyaariyey gacalkiisa ibraahim degaan ahaan.

 Nabigeeni S.C.W, sida u sheegay wuxuu kula kulmay ibraahim samada todobaad, isagoo dhabar dhabar ugu tiirsanaa Baytul Macmuurka, halkaaso ay maalin walba ku cibaadeystaan 70.000 Malag aan dib ugu laaban mar kale
Nabiga S.C.W ayaa mar u sifeynaayey anbiyada u ku soo arkay Samada habeenkii dhelmitaanka, waxuu Asxaabti la joogtay ku yiri: ibraahim tilmaantiisa hadaad rabtan eega xaga saaxiibkiin maxamed S.C.W