Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Maca-Salaama .. Dawlada Somaliya Oo Diiday In Si Gaara Ah Wax Loo Siiyo Somaliland

Wednesday - June 20, 2018


Dowladda Soomaaliya ayaa ka hortimid in la sii wado nidaamka gaarka ah ee Beesha Caalamka kula macaamili jirtay Somaliland ee deeqaha lagu siin jiray.

Nidaamkan oo loogu magac daray (Special Arrangement) ayaa la bilaabay sanadkii 2013, xilligaasoo lagu saxiixay shirkii New Deal-ka ee ka dhacay magaalada Brussels.

Qoraal ka soo baxay Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga Jamaal Xasan Maxamed ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka aysan cusbooneysin karin nidaamka gaarka ah ee Beesha Caalamka ku taageeri jiray Somaliland.

Beesha Caalamka ayaa Dowladda Federaalka ah ka dalbatay dib u cusbooneysiinta nidaamka gaar ahaan qeybta khuseeya Somaliland, kaasoo mashaariicda horumarineed ee beesha caalamka ka fulineyso Soomaalia qeyb gaara looga qoondeeyo Somaliland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay soo dhoweyneyso hab kasta oo lagu garab istaagayo maamulada dalka ka jira, balse nidaamka gaarka ah uu keenayo in maamulo kale ay dalbadaan, isla markaana ay halis gelineyso Qaranimada.

Arrintan ayaa cirka ku sii shareereysa xiriirka cakiran ee dowladda Federaalka kala dhaxeeya Somaliland, isla markaana ay horseedi karto in Somaliland rajadeedi madax-banaanida ay si cakirnaato .