Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Adis Ababa Meydku Waa Is Feer Yaal .. Raiisal Wasaare Abiy Ahmed Oo Sheegay Ciida Ka Dambeysay Qaraxi Bugta Iyo Bacda

Saturday - June 23, 2018


Raiisal Wasaaraha Itobiya Abiy Ahmed, ayaa ka hadlay qaraxi xooganaa oo maanta ka dhacay goob ay shacabka isugu soo baxeen oo uu hadal ka jeedinaayey.
Abiy Ahmed ayaa sheegay in Qaraxu ahaa mid xoogan oo si xirfadeysan loo soo abaabulay, laguna dilay dhawr Qof, isla markaana kuwa kale lagu dhaawacay.

Riisal Wasaaraha ayaa hadalkiisi intaa ku daray in Qaraxaas ay ka dambeeyeen Dad ka soo horjeeda midnimada Dadka Itoobiya oo walanwaalinaaya fawdo iyo qas .. inkasto falkaas la sheegay in loo qabtay 6 qof, laakiin Riisal Wasaaraha ma magacaabin koox gaara oo qaraxaas fulisay, hasa-yeeshe wuxuu ku micneeyey fal raqiis ah oo aan la aqbali-karin, isago intaa ku daray in poliska ay baarayaan shakhsiyaadkii ka dambeysay falkaas.

Itoobiya waayahaanba waxaa ka jiray kacdoomo soo taxnaa fooda la is daray dhiiguna qul-qulay oo qabaaiilka Oromada xuquuq ka maqneyd radinayeen, taasna waa mida keentay in raiisal wasaaraha hadda jira Abiy Axmed si xiisadu u dagto lagu soo xulay