Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Xanuunka Iyo Murugada U Leeyahay Qoyska La Kala Go'doomiyey .. Saxafi Itoobiyaan Ah Oo Gabdhihiisi Helay 16 Sano Kadib

Thursday - July 19, 2018



Saxafiga reer ethopia Addisalem Hadigu ayaa eritrea kula kulmay labo Gabdhoood oo u dhalay 16 sano kadib markii ugu horaysay .wuxuu qayb ka ahaa qoysas ay kala gooyeen Dagaaladii dhexmaray labada wadan ee deriska ethopia iyo eriteria .

Markii uu ka degay garoonka diyaradaha ee asmara ayaa saxafigan iyo labadiisa gabdhood la aamusin waayay oohin Farxadeed darteed mudo sodon daqiiqo ah taasoo hakad gelisey hawlihii garoonka diyaaradaha , waxayna dhacdadani Muujisey hilowga ay isu qabaan labada dhinac ee dagaaladu kala go”doomiyeen.

Saxafigan labadiisa gabdhood waxaa ugu dambaysay aragooda markii ay kala tageen xaaskiisa kadibna ay labadeeda gabdhood kala gudubtay xuduuda eriteriya, taasoo sababtay in aanuu caruurtiisa soo booqan karin iyaguna u iman karin .

Saxafiga Addisalem Hadigu oo warbaahinta lahadlay ayaa yiri ” xanuunka uu leeyahay qoysas lakala go”doomiyey in ka badan labaatan sano waa mid aan sawiri karin la cabirin , dambigaas waxaan u haysanaa madaxdii hore mana aha mid aan cafin karno lkn waa sabrayna , maxay sidan horey ugu samayn waayeen hogaamiyaashii hore , raysalwasaare abiye quluubteena ayaa la jirta ”

Arintani maaha taariikh boqolaal sano kahor dhacday oo laga sheekaynayo ama la xusayo ee taariikh hada qorantay waxayna ka dhacday meel aan ka fogayn xuduudaha soomaliya. waana mid tusaale ugu filan soomaalida .