Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Eeg Qacda Sawirka: Geemka Shirqool Cajiibka Ah Ee Loo Ciyaarayo Somaliya .. Ma La Helaya Siyaasiyin Ciyaarta Socota La Dabaalata

Tuesday - July 24, 2018


Dad badan shaki baa uga jiray Game ka cajiibka ah ee uu mandaqada ka ciyaarayo Ra’isulwasaare Abiy Ahmed iyo isbadalada xowliga ku socda ee uu wado, inay yihiin kuwa naga da’weyn oo aaney ku curan si sahal ah iyo laab-lakac,balse waxaa Xaqiiq ah inay sheekadu tahay mid laga soo abuuray meelo kale.

Sidoo kale maalmahaan waxaan arkayay Doodo iyo falanqeyn dhowr ah oo laga yeelanayo Isbadalka ka socda Ethiopia iyo Saameynta uu ku yeelan karo Soomaaliya, waa goorma goorta lala hadaaqaayo sidaa iyo sidaa waa goor qorshihii oo dhameystiran laga hirgaliyay hareeraheena oo taladiina nalagu darsaday.

Waa hubanti in Game-kan iyo Indha sarcaadka filan waaga ah ee ka socdo Ethiopia uu yahay mid ay Shukaanta u heyso Siyaasiyiin dalaaliin ah & Ganacsato Imaaraad ah oo raba inay markale shaar Ethiopian ah u soo gashadaan Dibin daabyeynta iyo duleysiga ilaha dhaqaale ee wadamada Geeska dhaca,Maadaama ay ku fashilmeen isku daygoodii koowaad ee Dekadaha Soomaliya taasina ay ku abuurtay cadaawad gaar ah iyo sidoo kale dharbaaxadii kaga dhacday gacan ku heynta Marsadii Jabuuti. taasina ay ku xambaartay iyo ay Game-kan cusub ciyaarto.

Hadaba Waxaan marna shaki ku jirin in Dowlada UAE oo dalaal uga ah wadamada Reer Galbeedka badbaadinta Ethiopia inay iyaduna uga faa’ideysaneyso sidii ay mar un gacanta ugu wada dhigi laheyd Dekedaha Soomaaliya, Asmara, iyo Jabuuti, iyadoo ujeedkooduna yahay inay marka hore Jabuuti badaan Saaxiib la’aan sida uu qorshaheedu yahay dabadeedna ay ka dhigto meel Go’doon siyaasadeed iyo mid dhaqaale wajahda ilaa ugu dambeyn ay Madaxweyne Geelle ku kiciyaan duufaano mucaarad ah oo laga soo abaabulayo gudaha Ethiopia iyo Aretaria ,


Qowlasatada UAE waxaan daah ka saarneyn inay danahooda siyaasadeed iyo midkeeda dhaqaale ay maanta si sahal ah uga fushan karaan Wadamada Geeska Africa oo ay hadheeyeen qalalaaso siyaasadeed iyo mid dhaqaale,waana tan soo dadajisay isbadalada mucjisooyinka ah ee ka dhex socda Ethiopia iyo Eritrea laguna soo beegay xili ay labada dalba baahi weyn u qabaan xasilooni siyaasadeed,Nabad ku wada noolaansho iyo dhaqaale abuur .

Dhinaca kale , Marka laga eego saameynta Soomaaliya iyo isbadalada ka socda wadamada Ethiopia iyo Eritrea waa wax iska cad in ay saameyn nagu yeelanayaan sida saameyn Dhaqaale, Mid Nabadgalyo,iyo mid siyaasadeed oo ah tan ugu halista badan hadii aan la helin Siyaasiyiin iyo Aqoon yahano Soomaaliyeed oo wadaniyiin ah oo Ciyaarta socota la dabaasha kana dabaasha.