Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa Maalinti Gaaladi Qureyshta Dhabarka Ka Jabtay .. Side Buu Ku Islaamay Xamsa Binu Cabdi Mudalib RC ( Nabiga Adeerki)

Saturday - July 28, 2018


Xamsa Binu Cabdi Mudhalib oo ah Nabiga SCW adeerkiis sida uu ku islaamay waxay ahayd, maalin ayuu Ugaar doontay intuu Gammuunkiisii iyo Qaansadiisii qaatey, goor uu ugaarashadii jiro ayuu Abii-jahal Rasuulka SCW aad u caayey gacanna ula tegey.

Markuu Xamsa soo laabtay ayaa arrintii loo sheegay oo lagu yiri “haddaad arki lahayd maanta Abii-jahal waxa uu ku sameeyey wiilkaad adeerka u ahayd waad yaabi lahayd”, Xamsa markii arrintii loo sheegay ayuu xanaaqay markaasuu dhaqaaqay isagoo Qaansadiisii iyo Gammuun-kiisii wata wuxuuna tegay kacbada oo ay fadhiyaan Abii-jahal iyo rag kale oo Qureysh ah, markaasuu caayey Abii-jahal Dabadeed Rag dhinaciisa fadhidey ayaa soo yaacday si ay Xamsa u wax-yeelleeyaan.

Abii-jahal Oo hadlka gagabinaaya ayaa Yiri "iska daaya waa gartiise, anigaa wiilkii uu adeerka u ahaa dhib u geystaye”, iyadoo Abii-jahal sababtuu sidaa u yeelayey ay ahayd biqid uu ka baqayey in Xamsa islaamo ama ay arrintu gaarto heer laboa qabiil loo kala safto. Xamsa oo xanaaqsan ayaa hadlay oo Yiri "wiilkaan adeerka u ahaa baad dhibaysaa, anigu diintiisaan qaatay”, sidaas ayuu Xamsa ku islaamay.