Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Kooxda Kubada Cagta Liverpool Oo Si Araxan Daro Ah U Garaacday Dhigeeda Manchester United "4-1"

Monday - July 30, 2018


Kooxda Kubada cagta Liverpool ayaa si arxan daro lagu Tilmaami karo u Garaacday dhigeeda Manchester United kulan Xiiso badnaa oo ku Tirsanaa koobka International – Champions Cup kaas oo ka dhacay dalka Maraykanka.

Liverpool ayaa Guushu ku raacday 4-1 Waxaana Goolasha u kala dhaliyey Xiddigaha kala ah Sadio Mane Rigoore Daniel Sturridge Sheyi Ojo Rigoore iyo Xherdan Shaqiri Goolka agoonka ah ee Manchester United waxa uu ahaa mid Cayaarta ka dhigay 1-1 qaybteeda Hore waxaana uu ahaa laad Xor ah oo uu si qurux badan u dhaliyey Andreas Pereira.

Naadiga Liverpool ayaa si kasta kaga gacan sareeyey Manchester United waxayna u qalmeen in ay dhaliyaan Goolal intaa aad uga badan balse kama faaiideysan Fursadihii ay heleen.

Kulankaan oo lagu Cayaaray Michigan Stadium ayaa waxaa daawaday Taageerayaal Gaaraya 101,000 waana dadkii ugu badnaa ee 2018 Garoon ku daawada hal cayaar.