Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Afawarqe Oo Guushiisi Siyaasada Biirka Khamriga Jabiyey .. Jabuuti Oo Ka Carootay Hadalki U Farmaajo Ka Yiri Asmara

Wednesday - August 1, 2018


Dowlada Jabuuti ayaa  ku tilmaantay wax aad looga naxo in madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku baaqo in laga qaado dalka Eritrea cunna-qabataynta hubka ee saaran, iyadoo weli uu jiro khilaafka xadka ee u dhexeeya Dowladaha Ertirea iyo Jabuuti.

War-saxaafadeed ka soo Saxay safaarada Jabuuti ee Muqdisho, ayaa waxaa lagu sheegay in Somalia ay xaq u leedahay inay xiriir siyaasadeed iyo mid kaleba ay la yeelato dalkii ay doonto, balse ay tahay wax aan la aqbali karin in xilligan in caalamka laga dalbado in cunno-qabteynta hubka laga qaado dalka Eritea oo haysta dhul ballaaran oo ay leedahay Jabuuti.

“Waxaa suuro-gal ahayn in Madaxweynaha Somalia uu War murtiyeedkiisa kusoo hadal-qaado arrimaha khilaafka xadka ee u dhexeeya Jabuuti iyo Eritrea, isla markaana ku baaqo in labada dal ay khilaafkooda wadahadallo ku xalliyaan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay soo saartay safaaradda Jabuuti ee Muqdisho.

Sidoo kale, Safaaradda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay wanaag-sanaan lahayd in Madaxweyne Farmaajo uu codsigiisa ku daro inuu jirto muran dhul oo u dhaxeeya Eritrea iyo Jabuuti, lana raadiyo sidii loogu heli lahaa xal.

Xukuumadda Jabuuti ayaa ku celisay inay aad uga xun tahay in iyadoo ay ciidankeedu naftooda ku waayan daafaca  Dowladda Soomaaliya laga toogto dhabarka, iyadoo u hiilinaysa Eritrea oo dhibaato ku ah Geeska Afrika oo dhan.

Dhanka kale, Jabuuti waxaa uga dhintay dagaalladii ay la gashay Waddanka Eritera ciidammo fara badan, iyadoo weli uu jiro murankii dhuleed ee u dhexeeya, iyadoo aan la ogeyn jawaabta ay dowladda Somalia ka bixin doonto hadalka kasoo baxay Jabuuti.

Ugu dambeyn, Jabuuti waxaa kaga sugan Somalia ciidammo fara badan oo ka tirsan halwgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo ka hawl-gala deegaanno ka tirsan bartamaha Soomaaliya.