Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 19 August 2018

Waa Qiso Lagu Cibrad Qaato .. Malik Ibn Dinar Oo Taariikh Nololeed-kiisi Cajibka Ahayd Ka Sheekeyey

Thursday - August 2, 2018


Shiikh Malik Ibn Dinar Oo Mar Ardadiisa uga sheekeeyey noloshiisi hore wuxu yiri: Waxaan ku noolaan jiray Ciraaq. Ma aanan ahayn qof toosan. Xumaan oo dhan ayaanan faraha kula jiray. Waxaan ahaa nin aan wax naxariis ahi qalbigiisa ku jirin. Dadkoo dhami way i necbaayeen. Khamriga ayaan cabi jiray. Diinta waan ka fogaa, Salaadna haba sheegin. Maalin maalmaha ka mida ayaan magaalada u soo dhaadhacay, sidii caadadaydu ahayd anigoo suuqa dhex wareegaya ayaa waxa aan sheeda ka arkay laba Nin oo is jiid jiidanaya.

Labada nin midkood waxa uu ahaa nin nicmo ka muuqato oo maalqabeen ah, halka kan kale ay ka muuqatay baahi iyo duruuf adagi. Kan miskiinka ahi jilbaha ayuu ku taagnaa waanu baryootamayay, wuxuu ku ooyayay ninka maalqabeenka ah, halka ka maalqabeenka ahi uu miskiinka ku qaylinayay. Waxa aan ku soo dhawaaday halkii ay labada nin isku haysteen si aan bal u ogaado sida ay wax u jiraan. Waxaan waydiiyay in ay bal iiga waramaan waxa ay isku haystaan.

Waxa hadalkii bilaabay maalqabeenkii wuxa uu ii sheegay in ninkan miskiinka ah uu 7 dirham sanad ka hor amaahiyay laakiin ilaa iminka uu u soo gudi la' yahay daynkaas. Wuxuu yiri “Ninkani muddo ayuu iga dhuumanayay laakiin maanta ayaan qabtay waxa aanan ka qaatay todobadadii dirham ee aan ku lahaa ”. Miskiinkii ayaan eegay waxanan waydiiyay bal isna in uu dhiniicsa ii sheego sida ay wax u jiraan.

Miskiinkii ma dafirin in daynkaas lagu leeyahay laakiin waxa uu ii sheegay in aanu haysan wax aduun ah oo uu ku gudo daynkaas lagu leeyahay, lacagtan yar ee uu ninkani xooga kaga qaadayna waxa uu yiri waxa weeye 7 Dirham oo uu doonayo in uu caano ugu soo iibiyo gabdho yar yar oo uu dhalay oo ay baahi hayso. Halkaa marka ay sheekadii marayso ayaan ka codsaday Ninkii Maal-qabeenka ahaa in uu Miskiinka u soo celiyo lacgata uu ka qaaday uuna ka sugo daynkaas inta uu miskiinku wax ka helayo. Maalqabeenkii arinkaas ma cajabin waanu iga diiday .

Waan xanaaqay, dhulka ayaanan ku tuuray Maal-qabeenkii. Si Xoog ah ayaan gacantaydda jeebkiisa ku galiyay waxaanan ka soo saaray lacagtii uu xoogga uga qaaday Miskiinka. Lacagtii ayaan Miskiinkii gacanta ka galiyay waxaanan ku iri “orod oo caruurtaada caanaha u raadso”. Miskiinkii lacagtii ayuu qaatay isaga oo ay farxad wayni wajigiisa ka muuqato, wuxuu bilaabay in uu ii mahadnaqo. Markuu sii dhaqaaqayay ayaan ku iri “caawa marka ay caruurtaadu caanaha cabaan. ha ilaawina in aad ii soo duceeysaan.”
Maalintii xigtay ayaa qalbigayga waxa la galiyay in aan guursado. Laakiin yaa gabar u guurinaya Nin khariban sidayda oo kale. Waxa ii soo baxaday in aanu jirin qof gabadhiisa ii aroosayaa, sidaa daraadeed waxa aan tagay suuqii adoomaha lagu iibin jiray, gabar Muslimad ah oo adoona ayaan ka soo iibsaday, gabadhii waan xoreeyay ka dibna iyadii ayaan guursaday. Gabadhii waxa uu Alle iiga dhigay mid khayr qabta.

Waxa ay i baratay salaadii iyo wanaag oo dhan. Mudo yar gudaheed ayay nolashaydii is badashay, waxaanan faraha kala baxay xumaantii aan ku dhex jiray oo dhan. Waxa uu Alle Reerkaygii ku irsaaqay gabar. Oo idhalatay Jacaylka aanu u qabno gabadhaasi waxa uu ahaa mid aan xad lahyn.. Habeen habeenada ka mida iyada oo ila ciyaaraysa ayaa gabadhii lagu soo booday. Yacni ay xanuunsatay

Dhabtayda ayay ku dhacday wax yar ka dibna tii Alle ayaa u timid oo waa ay dhimatay. Musiibadani waa ay igu cuslaatay. Muddo ayaa waxa habayn iyo maalinba maskaxdayda ku wareegayay sawirkii gabadhayda. Meel kasta oo aan aqalka ka eegoba waxa iiga muuqanaysay gabadhaydii Faadumo. Ee iga dhimatay

Habeen habeenada ka midda ayuu arinkani iga gaaray meel culus oo aanan qaadi Karin , waxa aana goostay in aan habeenkaas oo dhan khamri cabo ilaa aan ka dhimanayo. Sidii aan khamrigii u cabayay ayaan dhacay, waxa aanan ku riyooday riyo cajiib ah, riyaadaas oo badashay nolashaydii oo dhan.
Aabo goormaad toobad keenaysaa

Waxa aan ku riyooday aniga oo dhintay, oo la i aasay, oo uu qiyaamihii kacay dadkii oo dhan qubuurihii laga soo saaray, qof kastana uu dhinac u cararyo. Waxa aan eegay dhabarkayga waxa aanan ku arkay Mas wayn oo dab igu afuufaya. Waan ka cararay laakiin maskii igama harin. Waxaabad mooodaa in aniga la ii soo diray. Sidii aan u cararayay ayaa anigoo daalay waxa iga soo hor baxay buur wayn. Buurta waxa ka baxayay dariiqyo yar yar oo ay taagnaayen caruur yar yari.

Markii ay caruurtii i arkeen ayay mar kaliya dhawaaqeen oo ay yirahdeen, Faadumooy! Faadumooy! Faadumooy kaalay eeg eeg Aabahaa. Gabadhaydii markii ay aragtay ayay gacanta u taagatay Maskii. Maskii markiiba waa uu istaagay waanu iga haray. Gabadhaydii way ii timid gacanta ayayna i qabatay iyadoo leh Aabo :

“Miyaanay u dhawaanay qalbiyadii kuwii Alle rumeeyay in ay Alle u khushuucaan.” Halkaas marka ay marayso ayaan ka soo booday Riyadii. Waxa aan maqalay eedaankii salaada faajarka. Inta aan toobad keeenay oo aan mayrtay ayaan tagay Masaajidka. Masaajidka aan tagay Iimam Shaafici ayaa tujinayay. Ilaahay ha unaxariistee

Salaadii iimaamku waxa uu nagu tujiyay aayadii ay gabadhaydu akhrinaysay markii aan riyoonayay. Waan khushuucay waxaanan hoosta iskaga iri adaa laguu jeedaa Maalikoow. Salaadii markii laga baxay ayuu Imaam Shaafici wuxu bilaabay in uu fasiro ayadahaas uu akhriyay.

Markii aan ka soo noqday Masaajidkii ee aan reerkaygii u soo noqday ayaa waxa aan ku iri xaaskaygii “Alaabta inoo xirxir waxa aynu u guuraynaa magaalada Madina. Waxa aan bilaabay in aad diinta barto ka dibna sidaas baanan ku noqday Sheekhan maanta idin hor fadhiya.” Allaahu akbar

Sheekadani waa sheeko dhab ah. Sheekha ka sheeekaynayana waxa u ahaa iimaamka wayn ee la oran jiray Malik Ibn Diinaar”. Waxa aan rajayn in ay inteena akhriday ay waano u noqoto. Ilaahayna inagu hanuuniyo wadada xaqa ah ilaahayna uhiiliyo nabigiisa suuban ee Mohamed{scw} sunihiisan uu nooleeyo aamiin aamiin aamiin aamiin
Mahadsanidin