Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

R/W Abby Axmed Oo Afarti Tayer Ka Sii Banjareyso .. Kulan Deg-Deg Ah Oo Ka Socda Jig-Jiga Iyo Rasaas Goos Goos Ah Oo la Maqlay

Tuesday - August 7, 2018


Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi laga maqlaayo Rasaas goos goos ah.

Rasaasta ayaa u dhaxeysa Ciidamada Milatariga Itoobiyta iyo Kooxo careysan oo ah ciidanka Liyuu Boolis oo taageersan dadka aan Soomaalida aheyn ee la dhacay.

Xaafaddaha aysan degneyn dadka aan Soomaalida aheyn ee Magaalda Jigjiga ayaa waxaa ka socda Banabaxyo ay kaga soo horjeeddaan Bililiqadii loo geystay Sabtidii.

Labada xaafadood ee ay dadka aan Soomaalida ahayn ku badan yihiin ee shanaad iyo lixaad ayaan wali si buuxda u xasilin.

Madaxweynaha cusub ayaa kulan deg deg ah isku yeeray Laamaha Ammaanka Magaalada Jigjiga, waxaana ku amray in ay ka hortaggaan rabshaddaha oo ay Xaaladda dejiyaan.

Magaalada ayaa wali xirxiran waxaana socda shirar ay leeyihiin cuqaasha magaalada oo ka arrinsanaya sidii loo dajin lahaa xiisadda.

Ganacsiyada ayaa wali xiran, waddooyin magaalada muhiim u ah ayaana go’an.